Xoghayaha Golaha Wakiilada Ee Wakhtigiisu Gal-badday Oo Warbaahinta Ka Hor Istaagay Xaflada Xil Wareejinta

Xoghayaha wakhtigiisu galbaday ee Golaha Wakiiladda Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa saaka si badheedh ah uga hor-istaagay warbaahinta madaxa bannaan xarunta Golaha Wakiiladda, halkaasi oo ay ka socotay xil wareejinta Shir-guddoonka Golahaas.
Warbaahintii laga celiyay xarunta oo ku hadlay afaafka hore ee aqalka Baarlamaanka ayaa sheegay in aanay ahayn markii koobaad iyo markii labaad ee sidan oo kale xoghayaha golaha wakiilladu uga hor-joogsado tabinta wararka maalinlaha ah.
Sidoo kale waxa ay xuseen in uu warbaahinta ku xusho reernimo iyo qabyaalad, taasina aanay ahayn wax fiican.
Dhanka kale waxaa ay tilmaameen in xoghayuhu uu hoygiisii moodayo xarunta golaha wakiillada Somaliland.
Waxaa ay guddoomiyaha golaha wakiillada mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ka codsadeen si ay u wanaagsanaato wada shaqeynta golaha iyo warbaahintu in uu baddelo xoghayaha golahaasi Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
Dhacdadii saaka goobtan ka dhacday iyo warbaahintu sida ay uga fal celiyeen halkan kaga bogo.
Wariye Cumar Cali Ducaale, kana mida hawl wadeenada Telefiishanka Bulsho, ayaa guddoomiyaha golaha wakiillada mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ka codsaday in uu hoos u eego arrinta warbaahinta iyo dhibta ay ka helista wararka iyo xogaha xarunta aqalka wakiillada waxaanu yidhi. “Saaka waxa ay ahayd maalintii xil wareejinta, guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilladda iyo guddoomiyihii hore, warbaahinta oo waajibaadkoodii shaqo guddanaya waxaa u diiday in ay xarunta golaha wakiillada gudaha u galaan xoghayaha golaha wakiillada isaga ayaana ka masuul ah wixii saaka goobtan ka dhacay.
Warbaahintii madaxa bannaaneyd ayuu kala qaybiyay, oo uu kuwana soo dhaweysanaya kuwana eryayaa, dhibtani waa mid mar walba ay saxaafadda madaxa bannaani la kulanto waxaa aanu ka codsaneyna in guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Somaliland uu arrintaasi hoos u eego waxna ka qabto.”
Wariye Xamse Xirsi Xayd, kana mida hawl wadeenada Telefiishanka Codka Bariga Afrika, ayaa guddoomiyaha golaha wakiilllada Somaliland, mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ugu baaqay cabudhinta iyo cagajugleynta uu ku hayo xoghayaha golaha wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle in uu si deg deg ah wax uga qabto waxanu yidhi. “Waxaa saaka ay halkan wariyayaashi u yimaadeen gudbinta xil wareejinta munaasibada shir-guddoonka golaha wakiillada, balse intii aanay warbaahinta madaxa bannaani gelin xarunta baarlamaanka caqabad ayay kala kulantay, taas oo ah mid kaga timid xoghayaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, isaga oo sheegay in aanay warbaahinta madaxa bannaan loo ogoleyn in ay gasho xarunta golaha wakiillada Somaliland, balse iyada oo arrintaasi taagan tahay uu laba Telefiishan oo kaliya uu ka doortay, saxaafadii madaxa bannaaneyd.
Warbaahinta madaxa bannaan si mutadawnimo ah ayay ula shaqeyn jirtay golaha wakiillada Somaliland, waxaanay si joogta ah u gaadhsiin jirtay bulshada, wararka la xidhiidha fadhiyada golaha, xeerarka ay ansixiyaan iyo wararka kale ee xasaasiga ah, wax adduun ah oo ay ku qabeena ma jirto horraysa iyo danbaysaba.
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxaa aanu leenahay arrinta warbaahinta ee in laga hor-joogsado xarunta goluhu waa mid soo noq-noqotay wakhti badana taagneyd, in si deg deg ah aad wax uga qabato ayaanu kaa codsanaynaa.
Waxaa caqabada ku ah helitaanka wararka iyo xogaha golahana waxa ka masuul ah oo warbaahinta ku hor gudban xoghayaha golahaasi,”
Khadar Dhambaal oo ka mid ah wariyayaasha ka hawlgala Telefiishanka Som News, ayaa hoosta ka xariiqay in xoghayaha golaha wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, uu warbaahinta reernimo iyo qabyaalad ku kala xusho waxaanu yidhi. “Saaka halkan waxa ka dhacday arrin fool xun oo muuqaalka Qaranka iyo ka warbaahintaba aan u qurux badneyn, waxaa dhacday in warbaahintii madaxa bannaaneyd ee sida maalinlaha ah xogaha golaha bulshada ula wadaagayay iyaga oo aan wax dheef ah ku qabin in Golihii laga hor istaago.
Arrintani mid maanta dhacday maaha balse muddo badan ayay soo noq-noqotay, taas oo ah mid xoghayaha Golaha Wakiiladdu warbaahinta qaybaheeda kala duwan uu kula kaco, haddana kama cabanayno tallaabo cusub oo uu qaaday balse waligiiba waxaa uu ku kici jiray tallaabooyin noocan ah oo aan wanaagsaneyn, ahna in uu kala xigtaysto waraabiinta qaybaheeda kala duwan, waana qofkii muddadii uu goluhu jiray inuu yahay lagu tilmaamo ‘Qabyaali’, amase warbaahinta qaar Qabiil ahaan u soo dhaweysta, saakana waa ay caddahay iyada oo hawlo Qaran oo mihiim ahi socdaan in uu kaliya laba Telefiishana sii daayay warbaahintii kale oo dhana uu celiyay.
Qaar ka mida warbaahinta muddo 20 sano ah golahan ka shaqeynayay ayuu celiyay, marka baaqayagu waxa uu yahay oo aanu shir-guddoonka golaha wakiillada farayna, haddii aad doonaysaan in aad ka fogaataan eex, qabiil iyo qabyaalad, iyo kala sareysiin warbaahineed waxaanu codsanayna in xoghayaha golaha wakiillada sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto, haddii xoghayahaasi sii joogo golaha wakiilladu noqon maayo mid ay waraabinta daahfurnaan kuwada shaqeeyaan”
Iid oo ah wariye madax bannaan oo ka shaqeeya Telefiishanka Horyaal Tv, ayaa sheegay in xoghayaha golaha wakiilladu uu xarunta golahaasi moodayo guri u isagu leeyahay waxaanu yidhi. “Afaafka hore ee golaha wakiillada waxa aanu kala kulanay arrin ugub ah, guud ahaan warbaahintii madaxa bannaaneyd saaka halkan ayay wada joogta, marka laga reebo laba Telefiishan oo uu si gaar ah u xushay.
Maaha markii koobaad ee uu arrin noocan ah ku kaco xoghahaya golaha wakiilladu, xoghayuhu golaha waxa uu mooday guri uu isagu leeyahay, xoghayaha waxa aanu leenahay cimri tagay ceeb laguma sagootiyo, wakhtigaagi wuu dhammaaday, wax abaal ah oo ay waraahintu ku haysana ma jiro, wax aan godob ahayn oo warbaahintu ku haysana ma jirto”
Gaba-gabadii:
Qaybaha kala duwan ee warbaahinta saaka laga hor istaagay xarunta golaha wakiilladu waxaa ay cod dheer ku sheegay in wax laga qabto falalka aan wanaagsaneyn ee uu kula kaco xoghayaha golaha wakiillada Cabdirisaaq SIciid Ayaanle.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker