Imaaraadka Carabta oo Dowladda Soomaaliya ugu yeeray Dowlad KMG ah

Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa ka hadashay rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho   una dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Ciidamo daacad u ah Midowga Musharaxiinta.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda kasii dareysa ee Soomaaliya gaar ahaan tan Muqdisho ee ka dhalatay rabshadihii dhacay iyo awooda loo sheeganayo shacabka.

Imaaraadka ayaa dowladda Federaalka iyo Musharaxiinta ugu baaqay inay ka fogaadan kasta oo keeni kara khalalaaso siyaasadeed oo dhaca, isla narkaana ilaaliyaan rajada shacabka, ayna dhinacyada muujiyaan tanaasul.

“Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa walaac xoogan ka muujisay xaalada kasii daraysa ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo ka dhalatay rabshadaha socda iyo awooda xad dhaafka ah ee loo adeegsanayo dadka shacabka ah” ayaa lagu yidhi qoraalkan.

Ugu dambeyn Imaaraadka Carabta ayaa Dawladda Faderaalka Soomaaliya ugu yeertay magaca ahaan dawlad KMG ah, waxayna ka mid tahay dalalka la sheego inay faragalinta ku sameeya arrimaha gudaha ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker