Wiil Somali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Toronto Ee Dalka Canada

Allaha u naxariistee Haashim Cumar Xaashi oo ahaa Soomaali 20 sano jir ah ayaa habeennimadii Axadda lagu dilay Magaalada Toronto ee dalka Canada.

Booliska ayaa wada baadhitaan la xidhiidha ciddii ka dambeysay dilkiisa, balse waxey sheegeen in la rasaaseeyay xilli uu ku dhexjiray gaadhi galayay garaashka-ka dhismaha 40 Falstaff oo ah halka uu deggenaa marxuumka.

Lama oga weli cida ka dambeysay dilka Haashim Cumar Xaashi iyo sababta loo dilay intaba, waxaana dilkiisa si weyn uga xumaaday Soomaalida ku nool dalka Canada.

Dilka Haashim ayaa noqonaya kii 5-aad ee ka dhaca magaalada Toronto sanadkan cusub, waxaana sanadkii la soo dhaafay dalka Canada lagu dilay dhalinyaro badan oo Soomaali ah iyo dad kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker