Maansada : Khasab nabadaa ku imani

Asc dhamaanba shaqaalaha Oodweyne news Aadbaan idiin wada salamaya Magacaygu waa Axmed Cali Xasan ( Axmed Sahal) salan kabacdi waxaan halkan rabaa inaan idiinku Soo gudbiyo Maanso aan kaga hadlayo dadka walaha ahee kudagaalamaya Magaalada Ceerigaabo

Ilahay hakala qabtee anoo dareenkayga kucabiraya Sida uu noodamqay dagaalkan soo noqnoqday:
✓✓✓✓✓✓✓✓✓✓✓✓✓✓✓✓✓✓✓
Umadyahay qaloocanee
Lagu qaatay qorigiyo
Qabiil aan fayoobeen
Aduun qiimaba lahayn
Camal xun qaatayee
Iskala qaad qaadayaa
Miyaad qawlka eebe iyo
Quraankiisa qaadataan
Qudhii ololaysa ee
Naftii kaliyey qabtay
Duxdii laga qaadayee
Iimaankeedii qalalay
Dhakhtar kala quusatay
Iyaba way qaadatoo
Quraankaa qaboojiyoo
Qalbiga daweeya ee
Qabiil waa cudur xunoo
Qofnaba kuma horumaree
Qaxa iyo dhibaatadu
Waa qasaare daranee
Miyeydaan ka quusanayn
Qabyaaladan taaganee
Umadii kala qaybisee
Qarankii dhaawacdee
Uguureen qoysba meel
Miyeydaan yaqiin lahayn
Ehel qudhabaad tihiin
Qaraabo xigtaad tihiin
Qoysas kaliyaad tihiin
Maxaa idin qaatayood
Qudhiina ugoynaysaan
Talada laydiin qadimo
Miyeydaan qaadanayn
Miyaydaan kaba baqayn
Inay idin qaloocsamaan
Qacmaha aad  saaraysaan
Kitaab naguqaaliya
Qoraxdii soobaxdana
Qaracan lagusiijiriyo
Isqabsi loomataaghayee
Hadaydaan qaban kaxun
Hadaydaan qacmaha qaban
Qoriga aydaan kadhigin
Qumaati wax uugusheegin
Hadii aydaan qorshaha
Qalin udiyaarsanoo
Wixii aad qaban lahayd
Qabaw kudhamaysanayn
Nabada qaban qaabinayn
Xumaanta kaquusanayn
Samaha wada qaadanayn
Caqligu aanuba shaqayn
Sideey utisqaadayaan
Dhalaankiinaa qurxoon
Quruumo waxaad tihiin
Xumaha qurux moodayoo
Qabkoodii fogaadayoo
Ibliis wada qaatayoo
Iskala qaad qaadayee
Aafooyin qabiil ubadan
Dhaxaad hub uqaadateen
Qiyaas li’i  kubadisheen
Naflay nagu qaaliyoo
Waxnoo qaban kari lahaa
Abaarahan soo noqdee
Dhulkeenii qayba badan
Qalayl saxaraha u eeg
Qarfaha intuu kadhigay
Qodaal lagu aaminayn
Qamandigu haw batee
Gasiin laga quudanoo
Bulshadii kaba qaawantoo
Maqaar kaliyaba noqday
Waxasoo qodoba ah
Colaadaa qaaday kow
Qiimaha dhiigeenana
Qaadirka sheegayoo
Diibteenaa qeexdayee
Hadaan lays dabaqan
Kitaabka dib loogu noqonin
Berina idinkaa isqalan
Umadii qiirootayee
Dabuubtaydan qaata oo
Daqiiqad dhagaha bal isii
Dulqaad wuu dhamaadayee
Ciidanka qalabkaa sidee
Quwada alle siiyayee
Dalkooda kaquusanee
Qadhmuunka fogeeya ee
Cadawga muquuniyee
Dartood lagu qumanyahiyo
Walee quwadbaa shaqayn
Qoortoo laydin gooya iyo
Qasab nabadaa ku iman
Dadkiinii wada qaxaa
Aqalkoodii  kunoqon
Waqal roob hoorayiyo
Neecawdoo qabawda iyo
Barwaaqaa iyana xigi
Maxaa qoom wada kibroo
Cidnaba aan qadarinoo
Dadkoodii wada qaloo
Shaydaan wada qaatayoo
Qudhaanjo kolay tahay
Markay wada quudhsadeen
Qunyar eebaheen rogay
Allah quwadaaba leh
Miyeydaan kaba baqayn
Qiyaame miyaanu jirin
Naaraha wada qiiqayee
Qoryaha dadka looga dhigay
Miyeydaan maqal warkaa
Dumarkaa qayl yayee
Aasay wada qadayee
Ragoodii qaar disheen
Ilmada qubanaysa ee
Dhabanka wada qoysay eeg
Qaladkii aad gasheen
Miyeydaan kaqoomamayn
Aqoonyahan daacadoo
Inuun ruux qaban kariyo
Cuqaal samatalis ahoo
Qaadirkeen ka cabsadoo
Cuqdadi ay kadheertahoo
Eexdana aan qaadanoo
Qaboojiya colaadahana
Miyeydaan qabin dadkaa
Istaaq furulaha dhahoo
Xaqiijiya nabada oo
Xaqiiqsada walaalayaal
Allow qiimaha nabada
Adoon naga qaadin
Quluubta noo hagaajiyo
Qaskiyo naga riix xumaan
Allaha qaniyow adaan
Daqiiqad kaa maarminee
Qandhadan soo badatayee
Qabiilku horseedayee
Dadkaygii qayba badan
Uqaateen horumar weyn
Xijaab kaga qari raboow
Allaha qaniye jiroow
Qaranka Somaliland
Dhaqaale balaadhanoo
Qarqar ujanjeedhinoo
Dadkuna kuba wada qancaan
Qaarada aykutaalana
Qiimaha calankeeda
Tawxiidku kamuuqdana
Qadarin kuba soor allow
 Amiin Amiin Amiin
Mahadsanidiin
Axmed Sahal Cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker