Gudoomiyaha Ururka Midawga Africa oo Baaq kasoo saaray Xiisadda u dhaxaysa Somalia iyo Kenya

Jabuuti (OWN) – Gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat oo kamid ah madaxdii ka qeyb gashay furitaanka shirka madaxda urur goboleedka IGAD ayaa ka hadlay Xiisada xoogan ee ka dhex aloosan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xiligan loo baahan yahay in si deg-deg ah loo xaliyo khilaafka diblumaasiyadeed ee labada dal,

 

Isagoo walaac ka muujiyey xiisada horseeday in dowladda Soomaaliya ay xidhiidhka u jarto xukuumadda Nairobi.

 

 

Mahamat ayaa labada dhinac ka dalbaday inay furaan wada-hadal wax lagaga qabanayo arrimaha taagan,

 

Xili labada madaxweyne ay maanta ku kulmeen magaalada Jabuuti, taasi oo ay ka shaqeeyeen madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

 

“Xiisaddii dhawaan dhexmartay Kenya iyo Soomaaliya oo ah laba waddan oo deris ah taasoo  ay sababtay in uu go’o xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee Labada dal.

Ayaa ah arrin walaac weyn ku ah Midowga Afrika. Sidaa awgeed, waxaan jeclaan lahaa in labada dal aan ka codsado in ay furaan wada-hadal ujeedadiisu tahay in dib loo soo celiyo xidhiidhkii diblomaasiyadeed iyo in aan ka codsado urur goboleedka IGAD in labadani dal ay arrintaas ku dhiiri-geliyeen,” ayuu yidhi.

Musa Fakki.

 

Sidoo kale waxa uu madaxda ku bahoobay IGAD ka dalbaday inay qeyb ka noqdaan xal u helida xiisada Kenya iyo Soomaaliya .

 

Oo Gaadhay meeshii u sareysay, tan iyo markii ay dowladda federaalka u jartay xidhiishkii diblumaasiyadeed,

 

Kadib markii ay Kenya ku eedeysay inay faro-gelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha dalka.

 

Labada madaxweyne ayaa Shalay waxaa isu keenay oo kulankooda goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo isku dayaya inay xaliyaan xiisadda ka dhex oogan.

Kulanka ay Shalay  yeeshen madaxda Soomaaliya iyo Kenya ayaa hordhac u yahay kulan guud oo isla maanta yeelanayeen dhammaan madaxda IGAD.

 

Dowladda federaalka Somalia ayaa dhowaan dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay IGAD, taasi oo ka dhigeysa in ajendaha shirka madaxda ku bahoobay uu qeyb ka noqonayo xiisada ka dhex aloosan Kenya iyo Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker