Muuse oo kolba hayaay xisbiyada Qaranka ka soo kaca, wax igala qabta qabta Wadankii Gude & Debedba dib buu usii socdaa, ee ila Taliya.

Muuse Biixi haduu dhega leeyahay, qabyaalada uu Reerkiisa & xigtadiisa uu Ciidamo & madaxtooyo & Xukuumadaba
ku taxay, ha baabi,iyo, oo Taliyaha Ciidamada, Maxkamada, Hanti-dhawraha, Duulista, Gaadiidika & Wadooyinka,
Warfaafinta & qaar kaloo badan isku bedel ha sameeyo.
Muuse Qabyaalad hala baabi,iyo & Tabasho ayaan wax ka qabanayaa, Shirkii Buurtii Gacanlibaax qodobadii Garxajis
& beelihii kale isku raaceen ee ka soo baxay haka jawaabo, muxuu dhegaha & ndhahaba uuga lalinayaa.
Muuse Gude & debedaba waxa igala qabta ayuu ku sndacoodaa, Xisbiyada Mucaaridka Gudihii wuu kala qabysan
yahay Shicibkii Gude & Debedba waxaana keentey Doorashadii Xaaraanta ahayd ee Kursiga Gudidii Doorashada ee
If & aakhiro ay ugu shubeen, ee Umada & xisbiga wadaniba diidan yihiin ee hala kala diro, kolkaas muuse haduu
dhega leeyahay Gudidaa Doorashooyinka yuu ka meeraysan ee hakala diro, Shicibka & Wadanina ma tageersana mana
ogola Gudidaada Xaaraanta ahi Doorasho dambe oo xaaraana oo ay qabtaan.
Muuse wuxuu ku andacoodaa Debeda wax iga qabta, Wasiirka Sacad Cali shire ee baabi,iyey ee isu bedelay. Nin shandad
sita oo qandaraasyo & doollar gurta, oo afkiisa ka sheegay Shirkad aan Magacaya & Moorgan ku qoran yihiin ayaanu Dubai
ka furan, oo ay ku urursadaan Dhaqaalaha Debeda wadanka ka soo gala & Xaqul-qalinka Berbera & saldhiga uu ka qaato.
Sacad Beenaale oo debedii albaabada u soo xidhay, oo umada & aqoonyahanu kolkey weydiiyaan ma xishoode ugu jawaabo
waa layna aqoonsan yahay, maantra ayaan u fiican yahay, hada Duulistii ayey Xamar la wareegtey, Dhaqaalihii ayey Xanar
ka xayiraysaa Somaliland, kolkaasuu ku andacooda Nin musuq ma ihi.
Muuse Sanaag & Sool ayaan dhaqaale & Horumar toona ku qabin, oo Mucaaridad & Jabhado & kala yaac ka jiro, muu
tegin kamuu ag wareegin, Wasiirkii Kaahin oo sidii Dagaal Ooga ah ayuu u diraa, kaasuun isku dir & dagaalo ayuu sii huriyaa
oo waa kii Ceel afweyn labada beelood inuu Baasiin ku sii qabto mooyee Nabad ka dhalin kari waayey, ee Ilaahay Culimadii
Somaliland u direy ee ay dhameeyeen.
Sidaas Darteed, Muuse Handaraab, waxba ka soo kacay, kaalaya wax ila qabta, kaalaya ila taliya Mucaaridka haku ku andacoon
ee Qabyaalada & Xukuumadada ReerLand, & Qabiilland noqotey bedel, Komishinka Xaaraanta kala dir, Qodobadii Shirkii
Garxajis & Beelaha kale ama waan diidey, ama waan ogolaadey ku dhawaaq, kolkaas talo waxbey ku tari, laakiin soo yaaca
kaalaya & isdhega marin sidii Macalinkaagii Siilaanyo isdhagooleeye, Ilaahay waxba kaaga duwi maayo Talada lagu siiyo
hadaanad Tabashada, Xukuumadaada Xaafadlandland eed Reerkaga ku taxdey wax ka qaban, hadii aanad cabashadii Buugii
Hablaha lagu caayey & guri Sadheeye isla tuurin, Muusaw waxaagu waa Qawda maqshii waxna haw qaban, wax ikla qabta
& waxba ka qaban maayo Tabashada Shacabka.
Dhegahaaga & Indhahaaga Muusaw Umada u fur, oo Handaraabka & Xaafadlandlan ka soo bax.
Wabilaahi Tawfiiq.

 

Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker