Siyaasi Maxamed Aadan Qabo OoSheegay In Loo Diiday In Laga Qabto Lacagta Musharaxnimo Ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (OWN) – Wasiirkii hore ee qorshaynta Qaranka Maxamed Aadan Qabo, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in loo diido in uu ka mid noqdo siyaasiyiinta hanka leh ee u tartamaya hoggaanka xisbiga KULMIYE.

Siyaasi qabo oo doonayay in uu u tartamo guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE isla markaana doonayay in uu shubo lacaga lagu xidhay mushariniinta xisbiga hoggaankiisa sare u tartamaya ayaa saaka lagu diiday lacagtii uu xisbiga u shubi lahaa lahaa si uu uga mid noqdo Tartameyaasha.

Wasiirkii hore ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo ee KULMIYE Qabo, oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee xarunta Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in aanay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ka qabalayn in uu xisbiga cid gaar ah u xidho.

Siyaasi Qabo waxaa uu yidhi isga oo arrimahaasi ka hadlaya “Libaax laba raq lagama wada kiciyo,madaxweyne Biixi hadii aanu xukuumada ku ixtiraanay ragayagii las oo shaqeeyey ka aqbali mayno inuu xisbiga cid gaara loo xidho, xaq ayaan u leeyahay in aan hogaanka Xisbiga u tartamo xeerka Xisbiga meel ay kaga qoran tahay reer hebel ayaa halkaa leh garan mayno waa ayaan daro wayn oo Xisbigii Kulmiye ku habsatay”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker