Shalay daalinkaan riday Dal baabu xukumayee, Qaar daaqi xoolaha, Dekeddiyo madaarkii Iyo dawladnimadii Sarriftaa ka daba yimi;

Markaad hebel duqaysaa, Reer hebel damqanayaan…”  Gaariye AHUN

Hanaan dawladnimo oo dhisan oo leh kala danbayn iyo nadaamkii dawladi lahayd waa u lafdhabar umad kasta oo wadan ku bahawday. Dawladnimadu waa ta dadka u tudha ee danahooda, kala danbayntooda iyo nololwanaagoodu ku xidhan tahay. Haddii aynu nahey bulshada ku dhaqan Somaliland marka aynu kursiga keenayno siyaasiga indhaha ayeynu laanahay, uma eegno aqoon, uma eegno karti, uma eegno khibrad. Waxa ay inaga tahey uun qof reer hebel matala keena, qabiil & qiiro dhaw ayeynu ku saleynaa mustaqbalkeena.

Siyaasiyiinta wadanka jooga maaha kuwo mab,da, karti & aqoon ku yimi badankoodu. waxa ay dabada ku hayaan odey dhaqameedyo badankoodu usoo guntaday sidii ay umadda u jabin lahaayeen oo hiigsigooda u fogi yahey sidii ay u bislaysan lahaayeen caleenta (qaadka) ay maalintaa cunayaan. Markii ay khalad ka galaan qaranka ee ay boob & dhac aan tudhaale lahayn gaystaan, in talaabo laga qaado daaye haddii magacooda lasoo hadal qaado ayaa laysla oogsanayaa oo la leeyahay anaga oo reer hebel ah baa naloo dan leeyahay.

Runtu waa mid taasina waa QABIIL QARAN NOQON WAA… qof qabiil ka socdaa ma dabooli karo baahiyaha qabiilkiisa balse qaran haddii layahay dadku hal doon bay wada raaci karaan oo horumarkooda ayey ka fakari karaan.

Ujeedada qoraalkani waxay tahey in baryahaaba laysla dhex marayey warbixin ay soo saartey Guddiga Dabagalka Hantida Qaranka ee Gollaha Wakiilada Somaliland. Waa sax & waa khalad midna ku darsan maayo balse laba arrimood ba waan dul istaagi

Baarlamanka Somaliland (Gollaha Guuritda & Gollaha Wakiiladu) labaduba waxa ay ku magacaaban yihiin in ay matalaan shicibka ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland. Dhaca, boobka & xatooyada arxan darrada ah ee qarankan lagu hayaa maaha maanta mid bilaabantahay. Waa maxay sababta ay hore wax uga qaban waayeen? Ma Hadda oo wakhtigii ay kuraasta banayn lahaayeen la joogo ayey erayo ficil la,aan ah na hor keenayaan!.

Ta labaad waxay tahey in ay tahey wax aad looga gubto in aanay jirin isla xisaabtan dhab ah oo ka jira wadanka run ahaantii  waa cidhib xumo inagu soo fool leh haddii sababta ka danbaysa in Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ahaa Guddoomiyaha Guddida Dabagalka Hantida qaranka xilka looga qaaday sababo dabada ku haya warbixinta uu baahiyey. Waxa ay ka dhigan tahey in loo baratamayo boobka umadda beena laysku maaweelinayo.

Dadka waxa ka soo dhacay

Duruustii la barayoo,

Daarihii burburay shalay

Waxa maanta kaga daran

Iimaan darnaantiyo

Nabaad-guurka diintiyo

Kaga dhacay damiirkoo

Dal waxaan ku noolahay

Saddexdii dalaaqood

Lagu furay dadnimadii.

Dal waxaan ku noolahay

Runtu arag darraysoo

“Daaddihi!” la yidhi been.

Hadday dunida ceeb tahay

Dus-duskiyo khiyaamadu,

Noo dabeecad weeyaan.

Nin dillaala mooyee,

Degmadaan ku noolahay

Nin “daryeel” yidhaahdaa,

Dulli buu ka qoran yahay.
…………………………

Daba-Taxan-Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) AHUN .

W/Q Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.coom

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker