Ha Ururin Gefafka Dadka!

Faylasufkii Ingiriiska ahaa ee Bertrand Russell  ayaa yidhi : “ Noloshu way ka gaaban tahay wayna ka qiimo badan tahay inaan ururino gefafka ay dadka kale inaga galaan iyo in dadka la isku diro” .

  • Mar uu ka hadlayay in dadka khaladaadka ururiyaa ay wakhti qiimo badan iska dayacayaan, halka dadka wax isku diraanna ay yihiin dad qiimihii nolosha gabay.
  • Cabdimalik Ibnu Marwaan waxa uu yidhi : “ Dadka waxaa ugu wanaagsan, qofka aan kibirin  marka uu sarreeyo, wax cafiya marka uu awoodo, cadaaladda sameeya  marka uu xukun hayo”.
  • Jibraan Khaliil Jibraan waxa isaguna yidhi : “ Marka aad wax bixinayso waxaad tahay qof naxariis badan, laakiin qofka aad wax siinayso kor ha u eegin si xishoodkiisa aanad u dareemin”.  Taasi waa wax bixinta heerka ugu sareeya.
  • Faylasufkii Plato waxa uu yidhi: ” Dagaalka qofka uu naftiisa la galo ayaa ah guusha ugu weyn ee aadamuhu gaadho”.   Naftu waxay kuu diidaysaa wax kasta oo faa’iido kuu leh. “ Arrimaha  badan ayaa qofka nolosha jecleysiiya, laakiin waxaa ugu muhiimsan yididiilada”.

 

Salgal Cabdiraxmaan

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker