Ra’iisul Wasaaraha Malaysia oo loo qaadayo codka kalsoonida


-Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia Muhyiddin Yassin ayay Baarlamaanka dalkaasi u qaadi doonaan codka kalsoonida 18-ka bishan May, xilli uu ku
howlanaa la tacaalidda coronavirus tan iyo markii uu noqday madaxa isbahaysig

 

Muhyiddin, oo ahaan jiray mid ka mid ah dadka uu Mahathir aadka ugu  kalsoonaa ayaa 1-dii March loo dhaariyey xilka ra’iisulwasaarenimo, ka dib
markii uu noqday madaxa isbahaysi ay ku midoobeen axsaabta qowmiyadda Malay oo aqlabiyad yar ku hogaaminaya baarlamaanka dalkaasi, taasi oo ah.

 

116 xubnood oo ka mid ah 222-ka kursi ee baarlamaanka.Muhyiddin ayaa bishii March waxa uu dib ugu dhigay bilaabashada howlaha
baarlamaanka ilaa muddo laba bilood ah, xilli ay xubnaha mucaaradku ay  riixayeen olole ka dhan ah xukuumaddiisa cusub.

 

Afhayeenka Aqalka Hoose, Mohamad Ariff Md Yusof, ayaa Jimcaha maanta ah  sheegay inuu ansixiyey soo gudbinta Mahathir ee in codka kalsoonida loo  qaado xukuumadda marka ay howlaha baarlamaanku dib u bilowdaan 18-ka bishan May.

 

Haddii kooxda Mahathir ay ku guuleystaan iney ridaan xukuumadda Muhyadin, Malaysia ayaa laga yaabaa iney markale qabato doorasho.
Doorashadii ugu dambeysay ee la qabtay sanadkii 2018-dii, isbahaysi ka  koobnaa qowmiyado kala duwan ee uu hogaaminayay Mahathir ayaa xukunka
ka tuuray Ra’iisul wasaare Najib Razak, oo lagu eedeeynayay inuu ku lug
lahaa fadeex

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker