Dulmiga Berbera Kajira: Maayar Cabdishakuur Cidin Oo Soo Bandhigay Codsi Dhul Oo Uu Sheegay In Madaxweyne Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Aakhiro Uga Soo Qoray 29/3/2015 Oo Uu Isna Codsigaa Kusiiyey Dhulkii!!!!!!

Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Cidin oo mudodii uu xilka hayey ku caanbaxay tacadiga masaakiinta iyo dadka jilicsan ayaa todobaadyadii ugu danbeeyey waxa soo shaac baxday dulmi baahsan oo uu mudo kasoo shaqaynaayey kaasi oo uu u maleegay 82 qoys oo masaakiinta oo si sharci ah dhulkooda ku deganaa taasi oo uu soo maleegay khiyaamo badheedha oo ku sheegaayo in dhulkan uu lahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal isagoo isla markaasina soo dhaqdhaqaajiyey mid kamida Ubadkii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo uu kula soo heshiiyey inuu hadhaw markuu dhulkan ka dhaxal wareejiyo dadkan masaakiinta ah qayb kasiindoono, taasi oo ay kasoo horjeesteen dhamaan xubnihii kale ee qoyska reer Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal .

Dhacdadan cajiibka ah ayaa waxa fashilkeedu dibada yimid kadib markii aanu helnay Warqadan Codsiga ahee  lagu xusay in Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Laftiisu 29/03/2015 kaga codsaday Maayar Cabdishakuur Cidin iyo Gudidiisa fulinta in lasiiyo dhulkan oo cabirkiisu yahay 420x426m oo kuyaala Wadada Berbera uga baxda dhinaca Magaalada Hargeysa.

Cajiib hadaba waxa isweydiin mudan Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo aynu ogayn inuu geeriyooday May 2002 ma isagoo qabriga ku jira ayuu aakhiro codsiga uga soo qortay Maayar Cidin iyo Gudidiisa fulinta, sideebayse caqliga ugalaysaa dadkii sharciga lagu siiyey 1991 iyo wixi ka danbeeyey ayaa lagaga duudsiyayaa codsi been abuura oo la leeyahay Madaxweyne Cigaal ayaa Maayar Cidin iyo Gudidiisa fulinta usoo qoray 29/3/2015

Dulmigan badheedhka ah ee Maayar Cidin u maleegaayo 82 ka qoys ee dhulkan degan ayaa waxa uu gobolka saaxil ka abuurayaa khalkhal nabadgalyo daro oo saameeya amaanka iyo wada noolaanshaha bulshada Saaxil,taasi oo masuulka yahay Maayar Cidin dhibka iyo Khasaaraha ka yimadaada dulmigan uu ku wado bulshadaas muwaadiniinta ah oo marar kala duwan Warbaahinta ka sheegay hadii Maayar Cidin dulmiga ka joojin waayo inay iyaguna wax iska dhicindoonaan dhib iyo mushkiladina ka abuurmidoono arintan.

Hadaba waxan baaq dheer ugu dirayaa Madaxweynaha Somaliland , Guud ahaan ummadda reer Somaliland gaar ahaan Qoyska reer Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ee uu magacooda ku dulmaayo Maayar Cabdishakuur cidin bulshadaas masaakiinta ah ee dhulkaas leh in sida ugu dhakhsaha badan arinkaas looga gurmado, Maayar Cidin iyo cida fidnadan wadana waajibkooda sharci loo mariyo

Faysal Xasan Muuse

Berbera/Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker