Hal Qof Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur,halka Mid kalena ku Dhaawacmay Duleedka Waqooyi Ee Magaalada Hargeysa.

Alle ha u naxariistee Hal Qof ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay kadib markii shil baabuur oo ka dhacay duleedka waqooyi ee Magaalada Hargeysa.

Shilkan ayay ku dhimatay gabadh da’deeda lagu qiyaasay labaatan jir, halka uu ku dhaawacmay wiil kale oo kamid ahaa dad rakaab ah oo gaadhigaasi saarnaa, sida ay xaqiijiyeen ciidammada Dab-Damiska Somaliland oo iyagu gurmad ku tegey goobtaasi.

Wiilka shilkaasi ku dhaawacmay ayay ciidamadu sheegeen in dhaawaciisu sahlan yahay, iyada oo dhaawaca wiilkaasi iyo maydka gabadhaasi ba la geeyey cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Gaadhiga shilkan galay ayaa noociisu ahaa Bas ku sii socday Deegaanka Degmada Daara-salaam ee waqooyiga magaalada Hargeysa, kaasi oo siday rakaab badan ayaanay cid kale waxba ku noqon, iyadoo gaadhigu maray meel kala dheer , kadibna uu sidaasi shilkaasi ku galay.

 

Halkan hoose ka daawo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker