Coronavirus Covid-19 Iyo Saameynta Dhaqaale ee uu innagu yeellan karo W/ Q Rakad Mxd Sultan.

Xannuunka Coronavirus Covid-19 ayaa caalamka ku abuurey Wer-wer dhaqaale iyo cabsi dhaqaale xumo oo ka daran tii dhacday 2008dii.
Chinaha ayaa 20kii sanadeed u dambeeyay ahaa Waddanka hoggaanka u haya wershaddaha se hadda  wuxuu dhaqaalahoodu hoos u dhacay 42% marka la eegayo dhaqaalaha China taas oo galisay xaalad adag.
Shirkadihii Duulimaadka ayaa khasaaray dhaqaale Malaayiin doolar kor u dhaafaya, shirkadihii waaweynaa  ayaa ka cabsanaya in dayn u xidhmaan oo in  ka badan 4 malyan oo shaqo ay la waayo.
Shirkadaha Daymaha qaatay ayaa iyana wer-wer adag ku soo waajahay halka Hay’adda lacagta Adduunku International Monetary fund “IMF’   ayaa iyana la sheegay innay shaqadeeda ka qabsan doonto Shirkadahaas.
Xannuunkan ayaa in ka badan 4,200 oo  qof dilay, halka 118,000 kun oo qofna la xaqiijiyey  in uu hayo, waxa kale oo maanta la sheegay in Waddanka  Qatar 238 qof oo cusub la diiwaangaliyey taasi waxay ku tusinaysaa halka uu xaalkiisu marayo.
Waddamada caalamku waa wadamo isku filnaansho gaadhey, waa waddamo wax soo saartay oo aannay waddan kale waxba uga Iman haddana waxay shirar kala duwan ka Galeen xaalada Xannuunka Coronavirus ee Dhinacyadda dhaqaalaha, caafimaadka iyo sidii xal loogu heli lahaa.
Marka waddankeena laga hadlayo  in ka badan 96% waxkastaa oo nolosheenna aynu cuno ama aynu isticmaalno waxay inooga yimaadaan dibada iyo waddamada Jaarka,  su’aalaha la is waydiin karo waxa ka mida haddii la xidho xuduudaha iyo Dekadaha caalamka Maxaa inoo danbayn kara?
Haddii Dekada aynu ka soo adeegano la xidho waxa dhici doonno in Dhaqaalaha waddanku meel xun gaadho, Cashuuraha oo hoos u dhaca , badeecadaha oo qaaliyooba, Xaalad cunto la’aaneed iyo adeeg la’aaneed oo la galo. Shidaal la’aan iyo Suuq la-aanba waa wax Iman kara haddii xaaladda Coronavirus uu sii socdo haddii uu Soomaaliya soo gaadhana Alle ma Keenee waa mid khatarteeda iyo dhibteedaba leh.
Xalku Muxuu Noqonayaa:-
Maadaamo waxsoosaarka iyo dhoofintu yaraaneyso waxa loobaahan yahay in awooda iyo dhaqaalaha la iskugu geeyo waxbeerashadda  iyo waxsoosaarka kala duwan ee dalka.
-In Wacyi-galinta la badiyo
In Shirarka Golllaha wasiiradda lagu soo daro oo laga doodo.
-In la adkeeyo xuduudaha oo Kooxo caafimaad la dhigo.
-In la Kaydiyo Cuntooyinka Iyo Baahiyaaadka Aasaasiga ah sida shidaalka, Raashinka iyo Waxyaalaha muhiimka u ah caafimaadka.
-In la sammeeyo kooxo qiimeeya saameynta dhaqaale ee dalka uu intii la sheegay uu sammeeyay.
-In Markasta Alle Bariga la badiyo  dadka Muslim ahna looga duceeyo.
Marka laga hadlayo Tiradda Dadka Adduunka ee maanta waxa lagu qiyaasay 7.7 Bilyon halka 2050 la gaadhi doono 9.8 Bilyon.  Dadkaasi kordhay waxay la kordhayaan baahiyaadka kala duwan ee Bulsho leedahay, waanna ta sababtay in maanta qorsheyaal laga yeesho Xannuunka COVID-19 iyo werwer hor leh.
Alle waxaan ka baryeyaa inuu Ummada Muslimiinta ah iyo kuwa Soomaaliyeedba ka hayo xannuunkan.
Lawadaag Asxaabtaada.
Rakad Mxd Sultan.
Berbera.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker