Soomaalida Itoobiya xaggay ku socotaa?

Yuhuud Nabiga iyo muslimiinta shirqool halis ah u dhigay ayaa aakhirkii la soo qabqabtay. Kolka iyaga oo xiran oo hadba koox loo yeerayo ayay ninkii madaxda u ahaa ku yiraahdeen maxaad u malaynaysaa in la ina ku samaynayo?. Wuxuu ugu jawaabay meel kasta wax garan maysaan miyaa?. Wallaahi wax kale maahee waa gawrac.

Dad waaweyn oo da’dii wax lugu garan jirey jooga oo maalin walba bohol hor leh ku sii dhacaya oo marna aan wax garanayn oo meelna aan ku cibraqaadanayn waa masiibo weyn, dadka noocaas ahna waxay dadkooda u horseedaan halaag aan laga soo kaban karin. Reer barigu marka nin da’yar meel kadhac sameeyo waxay dhahaan “boowe waa gu’giisa. Hadduu nin weyn yahayna waxay dhahaan boowe waa garaadkiisa!”.

Dalweynaha soomaaliyeed iyo dadkiisaba waxaa saanyooday bahdii gumaystayaasha Yurub oo u qaybsaday sidii dhaxal aabbohood uga tagey. Waxaa arrintaas dhex orday oo ka faa’iidaystay boqortooyadii Xabashida ee xilligaas jirtay oo ay wadaageen bahda gumaystayaasha Yurub diinta iyo gumeystenimada, waxaana xilliyo kala dambeeya gacanta loo galiyey dhul ballaaran  iyo dad soomaaliyeed oo fara badan.

Gumaysiga iyo cadaadiska Amxaaradu kuma koobnayn dalka iyo dadka soomaaliyeed ee waxaa la wadaagay, kana sii darnaa qawmiyadaha kale ee Itoobiya haba ugu darnaadeen dadka muslimiinta ah oo cadaadiska kale ay u sii dheerayd gaalaysiin diintooda xoog looga saarayey.

Dadweynaha soomaaliyeed iyo qawmiyadaha kalaba way ku khasbanaayeen inay xorriyadooda u halgamaan tabari meeshay doonto ha dhigtee; waayo uma furnayn albaab aan ahayn inay dagaalamaan, dadka xukunka Itoobiya isaga dambeeyeyna waxaan dil iyo cadaadis ahayn ma garanayn.

Markuu dhacay xakunkii Mingistu Xayla Maryam 1991kii oo isbadalka weyn uu ka dhacay Itoobiya dadweynaha soomaaliyeed kama faa’iidaysan fursadaas taariikhiga ahayd. Iyaga oo isku duuban xorriyad ma aanay dalban sidii Ereteria, mana ay yeelin sida qawmiyadaha kale ee ka faa’iidaystay isbadalkii Itoobiya ka dhacay ee waxay u qaybsameen jabhado dagaalama, qayb danteeda gaarka ah raacatay iyo qaar maamulkii jirey u shaqeeya oo inta badan ku mashquulsan la dagaalanka jabhadihii iyo cadaadinta shacabkii soomaaliyeed.

Intii soomaali ay sidaa u dayacnayd qawmiyadihii kale dadkoodii ayay waxbareen, dalkoodiina way dhisteen, waxayna gaareen horumar dhinac walba ah, waxayna yeesheen awood gaarsiisey inay aakhirkii talada dalkaba la wareegaan.

Dadweynaha soomaaliyeed hadday fursadii 1991kii dhaaftay uma suurtagalin inay dib isu saxaan oo ay yeeshaan talo iyo mowqif ay ku midaysan yihiin. Iyaga oo wali sidii u kala daadsan, una caddiban ayaa isbadalkaan cusubna yimid.

Isbadalkaan wuxuu yimid iyada oo aan dadka soomaaliyeed talo fara ugu jirin, hoggaan iyo aragti ay ku midaysan yihiina lahayn. Taas waxay keentay gabidhaclayn iyo colaado ay la galeen dadkii kacdoonka wadey gaar ahaan qowmiyada Oromada oo ay soomaalida kala dhaxayso diin, dhalasho iyo darisnimoba ilaa soomaalidu u muuqato mid difaacaysa dulmiga iyo cadaadiska dalka ka jirey.

Haddaba waxaynu u baahanahay in aan dadkeenu noqon tuul nin walba iyo cid kasta daneheeda gaarka ah ku fushato ama sidii ay doonto u isticmaasho ee waa in la wada yeesho dareen ummadeed, faham iyo wacyi ummadeed, dhaqan iyo mawaaqif ka duulaysa diinteena iyo danaha shacabkeena.

Si arrintaa loo xaqiijiyo waxaa lagama maarmaan ah in xilkaska deegaanka soomaalidu isugu habarwacdo sidii maanta soomaali loo midayn lahaa, loona samatabixin lahaa, ayna cagta u saari lahayd waddadii horumarka, isla markaasna saldhig laga dhigto dhaqdhaqaaqa isbadal doonka ee ay muddaba soomaalidu ka wadey Adis ababa iyo Dirirdhabe, ayna ka miradhaliyaan abaabulkii iyo kulamadii waaweynaa ee ay ku doonayeen inay qowmiyad ahaan qayb ka noqdaan isbadalada Itoobiya ka dhacay.

Gabagabadii waxaan dadkeena gaar ahaan hormuudkooda uga digayaa in soomaali mar kale fursada laga dhumiyo ama qolyo kale danohooda siyaasadeed u adeegsadaan ama ay dagaalo hoose ku mashquulaan ama ay iyagu is khilaafaan oo la isu adeegsado.

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker