Jigjiga Xoraynta! Somali xumaynta by Amir Bidde

Waxa shalay xarumaha dawladda la wareegay ciidanka federaalka  Itoobiya kadib markii uu madaxwaynaha degaanku ka madax adaygay amarada Addis Abeba. Waxaynu shaashadda ka daawannay barlamaanka deegaanka oo muusannaabaya. Cajiib niman masuuliyiin isku sheegaya oo shicibka Soomaalida kicinaya oo ku tirtirsinaya inay Oromada xasuuqaan. Ujeeddo ra’iisal wasaarahaa Oroma ah ee ha lalaayo oramada iyagoo leh. Hore ayay iskugu dileen Somali iyo Oromo. Kuwan baarlamaanka ihi markaliya afkooda soomay marin erayga ah CIIDANKA FEDERAALKA markasta waxay ku sheegayeen Oromo.
Madaxwaynaha kililku muufahmi kari waayay in waqtigiisii dhammaaday. Dantii laga lahaana u si fiican u fuliyey.
Intuu Ina Ilay ka ahaa deegaanka madaxwayne, wuxuu ku kacay xusuuq baahsan oo tuulooyin badan ayaa maanta haawanaya oo la cidhib tiray dadkii deggenaa. Waxa dadka Soomaalida soo maray gumaysi foolxun oon weligii degaanka hore loogu arag. Wuxuu samaystay doofaaro aan in yarna dameer bini-aadam ku jirin oo lagu magacaabo liyuu booliis. Kuwan oo uu u xilsaaray inay gabadh wal oo qaan gaadha kufsadaan, xoolaha dadka la dhaco wixii hadlana xabbad lagu dhufto. Waxa la gaadhay heer dadka la addoonsado oo beeraha lagu qoto oo jeelal jidhka dadka lagu googooyo ayaa la samaystay, dadkaa oo hilibkooda dabadeedna sida ka xoolaha loo iibgeeyo. Ciidamada xuduuda Somaliland waxay qabtaan maalin walba oo wararka laga sheegaa baco waawayn oo madmadow oo beer iyo kalyo ka buuxaan oo la rabo in suuqaqa Somaliland hilib xoolo ahaan looga iibiyo.
Tobankii sano uu madaxwaynaha ka ahaa Cabdi Ilay kuwii shalay soomaaliyeey lahaana u ahaayeen baarlamanka  waxa Itoobiya uga suuragalay dhulka soomaalida wax aan Itoobiya weligeed u suura gelin. Tan iyo badhtimihii qarnigii hore, markay Itoobiya gacanta ku dhigtay dhulka soomaalida soomay degin shicib ahaan dhulka, waxa joogi jiray uun booliis yar, kastam cashuureed, ciidan yar oo kontrobaadka qaabilsan iyo inyar oo wasaaradda wax barashada ah (dugsiyo hoose). Dadkaa xabashida iyo qoysaskoodu waxay ku xidhnaayeen xeryahooda, wax saamayn ahna kuma lahayn bulshada Soomaalida. Dadka Soomaalidu xorbay ahaayeen hase yeeshee aan maamulka dawladda shaqo ku lahayn. Haddaba 10kii sano ee  Cabdi Ilay madaxwaynahaa ahaa waxa dhulka aad loo soo dejiyey xabashidii iyo qowmiyadihii kale ee Itoobiyaanka, waxa aad loogu fidiyey diinta kiristaanka, meel walbana (xataa tuulooyinka) kaniisado waawayn ayaa laga taagay. Waxa si xoogleh oo Cabdi Ilay hoggaaminayo loola dagaalamay Islaamka, waxa la joojiyey barashada quraanka, waxa la baabiiyey mulcaamadihii iyo masaajiddadii diinta lagu baranayay. Waxa la laayay culimadii intii hadhayna la qaqabtay illaa maantana ayna dadkoodii meel ku ogayn: geeri iyo nolol. Cabdi Ilay iyo kooxdiisani dhulka way dhaxal wareejiyeen, bulshadii Soomaalida ahaydna way tirtireen, cibaadadii Eebbana waxay noqotay in qarsoodi iyo cabsi lagu guto. Jalaska kaniisada ee meel walba ka dananayana lagama seexan karo.
Cabdi Ilay wuxuu kaloo dab iyo colaad kala dhex dhigay Soomaalida iyo Oramada oo ay is degaan xigaan. Ciidamadiisa ayaa weerara dadka shicibka ee Oromada. Kadibna Oromaduna waxay kaga aargutaan dadka Soomaalida ee safarka ah ee u socda addis Abeba ama ganacsi u joogaa deegaamadaa. Amnesty International warbixintii ay bishii may 2018 soo saartay waatii ku xustay in liyuu booliisku ay Oramada ka dileen boqolaal kun oo shicib ah. Yacnii ina Ilay Soomaalida iyo Oromada wuxuu kala dhex dhigay godob aan dhammaan. Shalayna kuwii baarlamaankiisu waxay ku baaqayeen in Oromo la weeraro. Hadda Oromo waa qawmiyad muslin ah oo aan walaalo nahay oo aan isku af nahay (luqada Somaliga iyo ta Oromadu waa laba af oo walaalo ah; wax yar bay ku kala duwan yihiin). Waa meeshii qarnigii hore diinta barashadeeda Soomaalidu u tegi jirtay. Haddaba waad fahmi kartaa cidda ka dambaysa, ee Cabdi Ilay diratay, colaadda Soomaalida iyo Oromada. Waa cidda deegaanka kaniisadaha ka dhista masaajiddana dumisa.
Cabdi Ilay waa lagu shaqaystay, dantii laga lahaana waa laga gaadhay. Markaa maanta wejiga cusub ee Itoobiya loo samaynayo meel kuma lahaa. Qaylo iyo yaa Soomaliyeey inuu maanta yidhaa waa nacasnimo iyo maangaabnimo.

Wa Billahi tawfiiq,

A. Amir Bidde Nuur

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker