Madaxweynaha Pakistan Oo Kala diray Baarlamaanka dalkaas Iyo Sababta?

Madaxweynaha Pakistan ayaa kala diray baarlamaanka dalkaas ka dib markii ay sameeyeen isku day xilka looga xayuubinayo ra’iisal wasaare Imran Khan.

Arintaan ayaa timid kadib markii gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka uu diiday in codka kalsoonida loo qaado Ra’iisul wasaaraha oo la filayey inuu xilkiisa ku waayo.

Mr Khan ayaa ku andacoonaya in Mareykanka uu hormuud ka yahay shirqool xilka looga qaadayo ka dib markii uu dhaliilay siyaasadda Mareykanka iyo go’aannada kale ee siyaasadda dibadda ee uu qaatay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka hor yimid eedeynta, Mareykankana waa uu diiday. Imran Khan ayaa booqday Moscow si uu ula kulmo madaxweyne Vladimir Putin xilli Ruushku bilaabay duulaanka Ukraine, Waxa uu horay ugu dhaleeceeyay Mareykanka “La dagaalanka Argagixisada”.

Talaabadan ayaa dhalisay dibad bax caro leh oo ay sameeyeen hogaamiyayaasha mucaaradka oo sheegay in haatan ay kiiska u wareejin doonaan maxkamada ugu sarreeysa ee dalkaasi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker