Somaliland Oo War Adag kasoo Saartay Diyaaradii Dawlada Somaliya ka Celisay Hargeysa.

Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa si rasmi ah uga hadashay diyaarad ay shalay hawadeeda ka celisay dowladda federaalka Soomaaliya.

 

 

Diyaaradaasi oo la sheegay inay siday Qaad/Jaad oo kasoo kacday dalka Kenya ayaa dib loo celiyay, xili ay rabtay inay kasoo dagto madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal International.

 

 

Somaliland ayaa celinta diyaaradaasi ku tilmaamay bur-bur markale soo food saari kara wada-hadalada bilowga ah ee kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

 

 

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa ka dhawaajiyey inay saameyn ku yeelanayso arrintaasi wada-hadalada labada dhinac, maadama dhawaan heshiis hordhac ah laga gaaray arrimo ay kamid tahay hawadu.

 

 

Wasiirka ayaa u arka in dowladda federaalku ay wado faro-gelin toosa, maadama ay ku doodo Somaliland inay tahay dal ka madax-banaan dowladda Soomaaliya, wallow aysan helin aqoonsi caalami ah.

 

 

 

Diyaaradaasi shalay ay celisay dowladda federaalku ayaa siday qaad fara badan oo ah nooca loo yaqaano Miirooga, midaasi oo u rarneyd ganacsatado reer Somaliland, kadib hoos u dhac weyn oo ku yimid tirada qaadkii Itoobiya looga keeni jiray Somaliland.

 

 

Dowladda federaalka ayaa diyaaradaasi u celisay sababo la xiriira xayiraadaha ka dhashay Covid-19 oo weli hakad ugu jiro duulimaadyadii caalamiga ahaa, inkasta la fasaxay kuwii gudaha.

 

 

 

Somaliland ayaa iyadu u aragta talaabooyinka noocan ah ee dowladda federaalku ay qaado, kuwo lagu beegsanayo madax-banaanida ay muddada 29-ka sanno ka badan ay baadi-goobeyso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker