MAXA BADIYA KALA TAGA QOY-SASKA ?

Sidee duul umi(qof aan waxba akhriyin waxna qorin)u badnaa guri u yagleeli karan,hadana u wada noolan karaan 30 sano 40 sano iyo ka badanba iyada oo aanay jirin xeerar qoran oo la raaco, sideese Umad ilbaxnimo ku faanaysa in reer isku waara la noqdaa ay tahay mid ka mida guulaha u waaweyn oo ah riyo in yar uun Rumayn karto?
Bartamihi qarnigi tegay iyo inti ka horaysay ee lagu hayo maqal iyo qoraalba,waxa dhif ku ahayd maqalka,kala tag qoys sababta uu doono ha ka dhashe, waxana sidoo kale mar la arag ahayd bur-bur qoys oo ka dhashay is afgaran waa ka kala yimada lamaanaha ku doonaba ha noqde.

Maxad u sababayn lahayd in lamanihi noolaa qarnigii tegay bilowgisi iyo bartan kisiba aanay kala tegin ila mid kood dhinto ama sababo dhif ihi soo kala dhex galan,lamaanaha hada joogana khilaaf kasta u arkan kala tag si loo xaliyo?
Qaacidadan ila eeg:
Wax kasta oo guul loo arka,sido kalena waxa tar-tan kula jira guul daro. Wax kasta oo la hiigsadaana waa wax la og yahay in lagu fashilmi karo.

Sax,hadaba adoo inta maskaxda igu haya..aynu is yar dul-taagno sababta aan sida cad u xusin ee ah waxa Keensaday in dad kii hore u arki waayan mid la mida guulaha lagaadho in la isku waaraa,waxa ugu weyn ee aan u sababayn karaa ayaa ah in gebiga noloshaba ay u arkayeen…aynu kala qaadnee calashan gabdhaha in la koraa deeto ubad la koriya oo xaas la noqda ,sidoo kalena aanay jirin haba yaraate wax kale iyo hiigsi nololeed oo ay lahayen,ragguna tu la mida taa wuxu aaminsana in uu noqdo hadba deegan kiisa ka u xoolo badan,Hadal kiisana aan mid kale la korsaarin marka uu inta isku hubsado ama ka horba uu xusho dumar ta ugu muuq iyo karti wacan. Waxa xeer u aha aaminada ay aaminsanayen in inta mooye nolosha wax kale u cuntamayn. Ficil ahaana way ugu dhaqmeen.

 

Dhan ka kale,dhalinta hada joogtaa iyaga oo aqoon le inta badani,waxna qoran waxna akhriyan hadana waxa ku keeni karaa in furniin ku dhex badnaado waxaynu odhan karnaa waa aqoon tii oo aan madaxooda degin welina dhaafin buugta ay ku xariiqan yihiin.
Mar labaad waxaa soo galay boos ka waxyaabo badan oo kale oo hoos u dhigay milgihi uu lahaan jiray guurku, sidoo kalena daciifiyey kaalin kii iyo xil kii ay dusha u tuurteen mid kastaa si uu u sii waaro reerka ay dhiseen,waxa la fahmay in aanu ahayn guurku sababta keliya ee loo nool yahay marka laga yimad cibadada Alle.Waxa sidoo kale soo baxay hiigsiyo nololeed oo badan oo aan hore loo lahaan jirin. Waxase u weyn ee keenaysa wa in aan si saxa loogu dhaqmin awamirti iyo shuruucihi gabadh iyo wiilba ee uu Alle u kala jideeyey.
Ma jiraa xal aan ka ahayn in lagu taamo in dadku sidoodi hore ahaadaan si guurku sidii hore ugu soo noqdo sidoo kalena weli lala socdo oo lala jaanqaado dunida?
Waxa laga haya qoraagii u dhashay reer lubnaan Aamiin Macluuf “Waxaa in laga xumaado mudan bulsho in ay qadariso sooyaalkeeda in ka badan mustaqbalkeeda”.
Waxa keenaya in weli sooyaalkeeni aynu sii qadarinaana waa inaga oo aan markii hore qorshe cad ka lahayn diyaarna u ahayn in aynu reer magaalowna,sababtuna wax kale maahe waxaynu ku qanacsanaan jirnay nolosheenii hore oo berrigii hore magalada waxa iman jiray uun qof xoolihii ka soo dhamaadeen iyo qof ceeb ka soo cararay nooc ay ahaataba. Waxaynu dhisanay guri daara kuna dhex shidanay xaabadi miyiga iyada oo laga dhigay dhuxul,waxaynu baranay aqoon inoo kala iftiimisay wax badan hadana waxaynu doonayna in sidii hore qofku ahaado,marnaba kuma aynaan darsan xisaabta is bedelkan xawaaraha ku socda in uu sidoo kalena bedelayo jiilka aynu baraynaa. Waxaynu ubadkii ku korinay magaalooyin ka sidoo kalena u carbinay si ka duwan sidii hore uguna dudaynaa in dhaqan kii aanu hoos u eegayn. Sidee qof aan weligii gelin kaga noolaan noloshii hore ee dhaqan ka inoo ahayd uga sugayna in uu soo celiyo dhaqan kii awoowgii? Ma kula tahay in uu dareemi karo ama sawir ka haysto aan dhaafsanayn sheeko uun?

Dhamaan waxyaabaha oo dhami waa kuwa hormuud ka u noqday in bur bur qoys laga dhaxlo , laakiin side ? Afkaaraha ay xanbaarsan yihiin labada dhinacba (wiilasha iyo gabdhaha) ayaan weli si rasmi ah u barin in kol hadii masuuliyada guurka ay qaadeen sidoo kalena ay joogteeyaan,sidoo kalena waxaa meeshii ka baxay dhaqan kii udub dhexaad ka u ahaa ee booskii aqoontu bedeshay. Waxa aynu ilowsanay in dadkii hore waxa isku hayay aanay ahayn aqoon ay meel ka barteene se ay ahayd aqoon dhaqan oo ay dhaxleen inana la inooga baahan yahay in aqoontu inoo gasho xagii dhaqan ka si qoyskii u sii jiro. Nacam, aqoon ina barta naf-hurid badan inana dareensiinaysa in qoys la sii ahaadaa muddo dheer laga dhaxlanayo in la soo saaro jiil qurux badan oo berri wax badan anfacaya.
si kale hadaan u dhignana waxaan in badan loo carbisanayn masuuliyadii qoyska in badana waxa iskaga khaldan diintii iyo dhaqan kii.

 

Ugu dambayn waxaan odhan laha Dadkii hore aqoon way lahayeen oo tu xeer bay lahayeen oo uu baray dhaqanku sidoo kalena aan dhalan rogmin waqtigoodii.
Dadka maantana aqoon way leeyiine aqoontooda ayan in badan degin madaxa sidoo kalena dhaqan kii wuu isa sii bedeelaya marba marka ka dambaysa.

 

WQ: Muna Ahmed Faarah.
GMAIL: munaahmed885@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker