Yaa Ahlu Sunna Ah Q/2 aad Qore Khadar Ibrahim

Imaam Ashcari, waa Imaamka culamada soomaaliyeed ugu abtirsadaan dhanka caqiiddada , waxaana mudda kun sano ah ku abtirsanayey imaamyaalka ugu faraha badan culammada diinta Islaamka. Imaam Ashcari waxaa sheekhyadiisa Cilmiga ka mid ah  Imaam Isxaaq Al-Marwazi, oo ka qaatay Imaam Ibnu Surayj, Imaam Anmaadi , Imaam Rabiic iyo Imaam Musani Imaam Shaafici , Imaam Muslim Ibnu Khaalid, Imaam Ibnu Jurayj, Imaam Cadaa , Imaam C/Laahi Ibnu Cabbaas RC oo ka qaatay asaxaabtii waawaynayd iyo Rasuulkii Ilaahay SCW. Abtiriskaan nuurka leh  wuxuu kuu caddaynayaa :-

 
In Soomaaliya ay weligood haysteen dariiqa ahlu-sunna wal-jamaaca eek u abtirsada salafka suubban iyo Rasuulka CSW .
 
in Wahaabiyada iyo dhamman kooxaha gadaal ka yimidna ay yihiin bidca aan lahayn abtiris diineed , khilaafsanna ahlu-sunna , si khaldanna u fasirta diinta Islaamka. 
 
Culammada soomaaliyeed waxay aaminsanyihiin in maaturiidiya ay la mid yihiin Ashcariya oo ay yihiin ahlu-sunna wal-jamaaca , waxay culammadeennu aqriyaan kutubta Maaturiidiyada sida Badul-Ammaal-ka iyo Nasafiyada .
 
Imaamka  maaturiidiyada waxaa la yiraahdaa Muxammad Ibnu Muxammad Ibnu Maxamuud (Abuu Mansuur Al-Maaturiidi ) imaamka wuxuu ku sugnaa Qarnigii saddexaad dhammaadkiisa ilaa billawga qarnigii 4-aad. imaam Maaturiidi wuxuu culuumta diinta ka qaatay Imaam Abuu Nasri al-Cayaadi oo isna ka qaatay Imaam Muxammad Ibnu muqaatil , oo ka qaatay , Imaam Wakiic , oo ka qaatay , Imaam abuu Xaniifah , oo ka qaatay , Imaam Cadaa Ibnu Abii Rabaax , oo ka qaatay saxaabigii jaliilka ahaa al-Sayid cabdullaahi Ibnu Cabbaas RC oo ka qaatay xabiibkii Rabbi SWT ee Rasuulkeenna Muxammad CSWS.
 
Waxaa kale oo imaam maaturiidi dhinaca cilmiga  ku abtirsadaa : 
Al-Imaam abuubakar Al-Jawzjaani , oo ka qatay Imaam Abuu Sulaymaan Muusaa Al-Jawzjani , oo ka qaatay Imaam Abuu Yuusuf iyo Imaam Muxammad Ibnu Xasan Al-Shaybaani  oo ka qaatay  Imaam Abuuxaniifa oo ka qatay Imaam Xammaad Ibnu Abii sulaymaan , oo ka qaatay khaadimkii Rasuulka Aanas ibnu Maalik RC oo ka qaatay Rasuululaahi Muxammad CSWS. 
 
Caalimiinta ku abtirsada afarta madhab , Suufiya , ashcariya iyo Maauriidiya ma aha kuwa mar baabaa marna soo baxa sida bidcada waa kuwa jooga qarni kasta; sidaas awgeed , ku sifoobay Xadiskii Rasuulka CSWS uu ku tilmaamay firqada xaqa ah ee uu sheegay in aanay weligeed kala goayn.
 
Waxaan soo ogaannay sida saddexdii qarni ee aan soo xusnay ay isugu xirnaayeen Rasuulka CSW Asxaabta , Taabiciinta , iyo imaamyaalka madaahibta iyo Tasawufka ; haddana waxaan halkaan ka sii wadaynaa qarniyada dhimman  oo uu ugu horreeyo :-
 
 
Qarniga 4-aad
Qarnigii u horeeyey ee la xiriirey Salafka
 
Imaamyaalkan ugu horreeya Qarnigan afaraad ee hijriga waxay cilmiga ka barteen Imaamyaalk ii qarniga 3-aad ee salafu saalixa ahaa . sidaas darteed , cilmigoodu waa cilmigii salafka ee saxaabada Taabiciinta iyo taabicu taabiciinta.
 
Qarnigan waxaa la qoray fanniga Cilmul-Xadiiska ee loo yaqaan Musdalaxa, waxaana qoray Imaam Raamhurmusiy,  waxaa la xoojiyey diiwaaninta cilmiga caqiiddada oo qawaaciddiisa laga soo guuriyey salafkii suubanaa. waxaan caalimiinta cilmigaas u istaagay imaamyaal u ahaa : Imaam Abul-Xasan Al-Ashcari iyo Imaam Abuu Mansuur Al-Maaturiiddi.
 
Waxaa kale oo qarnigan ku sugnaa Imaamyaalka ugu waawayn ee wriyey kutubta ugu waawayn Axaadiista ee ay ugu horreeyaan saxiixul-bukhaari iyo saxiixul-muslim.  
Waxaa qarnigan 4-aad culamma u ahaa imaamyaal ahlu-sunna ah oo  isugu jira Culmmada tafsiirka Axaadiista , caqiiddada , Fiqhiga , Tasawufka, Carabiyada iyo dhammaan culuumta diinta Islaamka .
 
Dhammaan imaamyaalka aan ku sheegi doonno qarniyada soo socda oo uu ugu horreeyo qarniga 4-aad waxay isugu jiraan culamma haysata 4-ta madhab , Ashcariya Maaturiidiya ama suufiaya , lagama yaabo in aad ka hesho hal Imam oo aan intaas ka mid ahayn. Imaamyaalka Qarniga 4-aad waxaa ka mid ah:
 
Imaamu Daxaawi , Imaamu-Dabraani , Imaamu Daaraqudni , Imaam Ibnu Sunni, Imaamul Jassaas, Imaam Qafaal Al-Shaashi , Imaam Abuu Sayd Al-Marwasi Imaam Abii sayd Al-Maaliki , Imaam Ibnu Sayd Al-Qaswiini, Imaam Ibnu Mujaahid, Imaam Ibnu Xibbaan , ImaamUl-Khaddaabi,  Imaam Abu-Shaykh, Imaam abuu Nucaym Al-asbahaani, Imaamul-Khiraqi Al-Xanbali, Imaamu Sacluuki , Imaamul-Asfaraayiini, Imaamul-Baaqillaani , Al-Imaam Nasri Abaadii, Imaam Jaluudi Al-suufi (raawiga saxiixu Muslim) 
 
 
Qarniga 5-aad
 
 Imaamyaalka Qarnigan waxaa ugu waawaynaa caalimiintii cilmiga ka xanbaaray imaamyaalkii qarniga 4-aad, oo aan soo ogaannay in caaradkoodu uu cilmiga ka qaatay imaamyaalkii salafu-saalixa . Waxaa caalimiintii ugu waawaynaa ee qarnigan ka mid ahaa :-
Xaafidkii weynaa ee Imaamul-Xaakim , Imaaam Cabdul qaahir albaqdaaadi , Imaamul-Bayhaqi Al-Xaafid,  Imaam Abul-Muciin Al-Nasafi , Imaam Ibnu Cabdil-Bar Al-xaafid, Imaam Abul-Yusri Al-Basdi , Al-Imaamul Juwayni, Al-Imaamu shiiraasi , Alxaafidul-cabdawi, Al-imaam  Abuu Nucaym Al-Xaafid, Al-Imaam Ibnul-Qaabisi,Al-Imaam Khadiib al-baqdaadi Al-xaafid, Al-Imaam Al-Shiraasi Al-Imaam Abul-Waliid Al-baaji, Al-xaafid Ibnul-Mandah, al-Xaafidul-harawi,Al-Imaamul-Qushayri, Imaamul-Xaramayn , Imaamul-Gasaali , Imaam Ibnu Caqiil al-Xanbali , Imaam Abuu Daril-Harawi Al-Xaafid Imaam Ibnu Asiir Al-Xaafid, Imaamul-Baqawi. 

imaam C/Qaahir Al-baqdaadi oo ah sheekha ImamBayhaqi , kana mid ah caalimiin  waawayn  oo qayb wayn ka soo qaatay Qarnigii 4-aad wuxuu ku qoray kitaabka  Al-Farqu baynal Firaq in ahlusunna wal-jamaaca  yihiin Imaamyaalka Fanni kasta ee Diinta Islaamka, mujaahidiinta iyo Caamada raacsan ahlu sunnah ,  ee u nisba sheegta kuna  xiran Imaamyaalka Madaahibta , Ashcariya , Maaturiidiya iyo Suufiya oo imaamku aad u ammaanay  . xaqiiqadan uu qoray Imaam C/Qaahir wuxuu u cuskaday qawaacidda iyo cilmiga salafka oo aan soo ogaannay sidii ay isugu xirnaayeen .   
 
Qarnigii 6-aad
 
Qarnigan cilmigii laga qatay culammada qarniga  5-aad oo aan soo ogaanay in laga dhaxlay Salafkii suubanaa wuxuu isugu soo uruurray 4-ta Madhab , Suufiya , Ashcariya iyo Maaturiidiya.
 
Imaamyaalkii ugu waawaynaa Ahlu-sunna wal-jamaaca ee qarnigan waxaa  ka mid ahaa :
 Al-Imaam Al-Xaafid Al -Farraawi, Al-Imaam Al-Xaafid Ibnu Casaakir , Al-Imaam Al-Saahid Al-Caarif Axmadu-Rufaaci, Al-xaafid Abuukar Ibnul-Carabi, . Al-Imam Isxaaq al-Nasafi, Al-Imaam al Qudbu Cabdul-qaadir Al-Jiilaani, Al-IXaafid  Samcaani, Al-Imaam Najmu-diin Al-Nasafi, Al-Imaam Abu-Najiim Al-Saharawurdi, Al-Xaafid Qaadii Cayaad, Al-Xaafidu -suhayli, Al-Imaam Ibnul-Xaajib, Imaamu-Raafici , Imaam Fakhru-Diin Al-Raasi.  Alxaafid Al-Mundiri, Al-Xaafid Al-Yuuniini.
 
Qarniga 7-aad
 
qarnigan waxuu la midyahay Qarnigii ka horreeyey ma jirin hal imaam oo aan haysan  Madaahibta Islaamka taas waxay kuu caddaynaysaa in cilmigii saxaabada , Salafka iyo imaamyaalkii la xiriirey uu isugu soo aruuray madarasadaha ahlu-sunna wal-jamaaca ee ku mideysan  Xanafiyah , Maalikiyah , Shaaficiyah iyo Xanbaliyah. imaamyaalkii qarnigan ugu wawaynaa waxaa ka mid ahaa :-
 
Al-Imaam Ibnu salaax Al-Xaafid , Imaam Ibnu Quddaamah, imam Abuu Shaamah Al-Xaafid, Imaam Cabdul-Gani Al-Maqdasi Al-Xaafid, Al-Imaam Saharawurdi, Al-Imaaamul-Barsaali Al-Xaafid, Al-Imaam Cisuddinn ibnu cabdi-salaam, Al-Imaam Ibnul-Xaajib, Al-Imaam Salaaxudiin Al-Ayuubi, Imaamu-Shaadali,  maamu-Nawawi Al-Xaafid, Imaam Ibnu-Kallikaan, Imaam Majdu-diin Al-Xanafi, Imaam Ibnu Daqiiqil-Ciid Al-xaafid , Imaamu-Damyaadi Al-Xaafid,  Al-Imaam Shamsu-Suruuj. Al-Imaam Ibnu Abii Jamrah Al-xaafid.
 
La socda qaybta 3aad….
 
qore khadar ibrahim
 
khadar338@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker