Koox Sheegatay Qaraxyadii Ka Dhacay Garoonka Magaalada Kabul.

Kooxda Dowlada Islaamka ee Daacish ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadii lagu hoobtay ee shalay ka dhacay nawaaxiga garoonka dayuuradaha Kabul.

Ugu yaraan 60 qof oo shacab ah iyo 13 askari oo Mareykan ah ayaa la dilay, kadib markiii laba qarax oo is-miidaamin ah lagu soo weeraray garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul, sida ay sheegeen saraakiisha Afghanistan iyo Mareykanka.

Bayaan ay soo saartay kooxda Daacish ayey ku sheegtay in weeraradaas ay kaga aargudaneysay Maraykanka oo wiiqay awoodii ay kooxdaas ku laheyd dalalka Ciraaq, Siiriya iyo meelo.

Muuqaal Video oo kooxdu soo dhigtay baraha inernetka ayaa waxaa ka soo dhex muuqday nin wejiga soo duubtay oo haysta qori nooca Kalashnikov ah isagoo hor taagan calanka ISIS kaasoo sheegaya in kooxdiisu fulisay weeraradaas.

Wakaalada Daacish u qaabilsan Amaq ayaa ninka weerarka geystay magaciisa ku sheegtay Abd Al-rahman Al-Lughari.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker