Gudoomiye-xigeenka Wakiilada Somaliland oo shaaciyey inuu ku biiray Xisbga Waddani.

Gudoomiye-xigeenka Wakiilada Somaliland Ahmed Yaasiin Sh. Ali Ayaanle  ayaa  ku shaaciyey qoraal kooban uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga kuna sheegay inuu ku biiray Xisbga mucaaridka ah Waddani.

Qoraalkaas oo aanu kasoo xiganay ayaa u dhignaa sidan hoosta ku qoran:–

” Bismillaahi Raxmaani Raxiim.
Aniga oo ah Mud. Ahmed Yaasiin Sh. Ali Ayaanle
Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee GOLAHA WAKIILADA JSL waxaan halkan ku wargelinayaa dhamaan shacabi weynaha Jamhuuriyada Somaliland, kadib markii aan la tashi badan sameeyay,
waxa aan go’aansaday aniga iyo tageerayaasheyduba in aan ku biirno Xisbi Weynaha Heer Qaran ee Wadani taasi oo bandhigeedu yahay malinta salasada ee taariikhdu tahay 16ka bishan February 2021 .
Alla Mahad Leh “

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker