Cabdimaalik coldoon sideebuu cirka u gaadhay alla ha u siyaadiye
Coldoon waxa uu kasbaday qaluubta ummadda oo dhan cadaankeeda iyo madowgeeda carabteeda iyo cajamigeeda, isaga oo dunidii ku yeeshay magac iyo maamuus iyo martabad sarreeya.
Waxa uu kasoo jeedaa gobolka togdheer ama ku tilmaam magaaalada murtida waxa uu mar qudha muuqaaladiisa iyo barnaamijyadiisu qabsan jireen baraha bulsheed ee kala duwanaa.
Waxa uu sidii qoraxda u iftiimay kadib markuu garab istaagay dhibane reer gebiiley ahaa oo xukuumaddiisu ka bedelatay jinsiyadiisii dafirtayna xaqiisii muwaadinimo!!!
Taasi oo dunida lagu arag in kastoo dhan kaste allaheen ka fashillayay xukuumadaas.ninkaas oo lagu magacaabo cabdilaahi sh abdiraxmaan.
Coldoon waxa laga soo daayay jeel balse jeelkii faai’duu kala soo baxay isaga oo n0qday dhigane wax bara dad.
Coldoon waxa uu sidii madaxweynaha loogu soo dhaweynayay meel kaste,waxa uu noqday xabiibul mallaayiin.
Heerbaa la gaadhaa
Sida halyey coldoon
Qulubta dadka hanta
Hibadu eebbe siiyiyo
Halgu dhagiisa yaabkale
halhayso noqotee
Halyey dhalada weeyi
Hamse riiraash