Boqolaal qabuuro ah oo laga helay magaalo ku taalla Ukraine

Dowladda Ukraine, ayaa sheegtay in laga helay qabuuro tiro badan meel ka baxsan Izyum, maalmo kadib markii magaalada dib loogala wareegay ciidanka Ruushka.

Maamulka magaalada, ayaa sheegay inay bilaabi doonaan fagista qaar kamid ah qabuuraha maanta oo jimco ah.

Ilaa hadda ma cadda waxa ku dhacay dhibbanayaasha dhintay, balse xogo hore, ayaa sheegaya in laga yaabo in qaarkood ay u dhinteen duqeymo iyo daryeel la’aan.

Waxaa sidoo kale jirta calaamado muujinaya in qaar kamid ah xabaalaha ay leeyihiin askarta Ukraine.

Madaxa booliiska gobolka Volodymyr, eeTymoshko, ayaa BBC-da u sheegay in ka badan 400 oo meyd ah loo maleynayo in lagu aasay goobta.

Izyum, oo duullaan lagu ekeeyey maalmihii ugu horeeyey ee dagaalka, ayaa Ruushku u isticmaali jiray xarun milatari oo muhiim ah, si tasiilaad iyo caawimaad kalaba looggu gudbiyo ciidamada bariga kaga sugan.

Khudbadiisa habeenimo, madaxweyne Volodymyr Zelensky, ayuu wuxuu ku sheegay in “tallaabooyinka habraaca lagama maarmaanka ah” ay ka bilowdeen aagga.

“Waxaan rabnaa in dunidu ay ogaato waxa dhabta ah ee dhacaya, iyo waxa uu keenay gumeysiga Ruushka. Waana in arrintaas lagula xisaabtamaa” ayuu yiri Zelensky.

Hogaamiyaha Ukraine, ayaa waxa uu ka hadlayay xabaalo boqolaal gaaraya oo la sheegay in sanadkan laga helay Bucha, oo u dhow caasimadda magaalada Kyiv, iyo sidoo kale meel u dhow Mariupol, oo ah dekedda muhiimka ah ee dhacda koonfurta-bari ee dalka Ukraine, oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Ruushka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker