Xanuunka COVID-19 iyo mawqifka culimadda Soomaaliyeed

Dabcan cuduraddu waa dabeeci aadanuhu u simanyahay oo aan xad lahayn.
Cuduradkani sidaynu wada ognahay ilaa hadda waxa la xaqiijiyey inuu ku dhacday dad gaadhaya 86, 992 ruux dunida oo dhan.
Waxa ilaa hadda u geeriyooday 2,979 ruux, waxa ka kacay ama ka bogsaday 42,334 ruux, haddi la eego khatarka uu leeyahay ee geer-sababtay (case fatality) waxa weeye 3.42%.
Inta ilaa hada la ogyahay waxa la xaqiijiyey inuu xanuunku ku fiday dalal gaadhaya 64 dal.
Hadaba si aynu u eegno cudurkan iyo mawqifka culimada Soomaaliyeed, waxa iswaydiin mudan arimahan.
1. Xanuunkani ma noqon karaa mid dalka China ciqaab u ah oo dabargoyntiisa u dabran?,, ha hilmaamin, dadwaynaha China oo dhan inta uu ku dhacay waxay noqonaysaa wax ka yar 0.00…% yacni 86,992/1.4 Billion, runtii waa nisbo aad u yar oo aan la sheegikarin.
2. Ma ka warqabaan culimadda Soomaaliyeed in March 2019, isla magaalada Wuhan seddex cilmi baadhe sii saadaaliyeen in xunuun noocan oo kale ahi ka dhilaaci doono dunida, gaar ahaan Dhulwaynaha China iyagoo tilmaamay – MARS-like, SARS-like Coronavirus inuu kasoo gudbi karo FIIDMEERTA? Warqadan cilmibaadhista ah waxa la daabacay March 2019.
3. Haddii gaalo iyo mulxidiin loogu talo galay, ma jiraan dalal Islaam ah oo uu dadkooda ku dhacay oo uu laayay? Iran mala talada uguma jirto!!!
4. Sida lagu talo-jiro dhawaan waxa la filayaa in talaal loo helo, haddiba se loo helo, oo isla ciddii lagu ciqaabayay hesho maxay daarantahay ciqaabtan aad sheegteen ee aadka u liidataa – idinka ayaa ku tilmaamay inuu ciqaab yahay e.
5. Haayadda Cafimaadka Aduunku (WHO) waxay ku dhawaaqday diyaar garawgii ugu adkaa ee looga hortagi lahaa, iyada oo ka warwareegaysa isticmaalka erayga Pandemic, lkn haddiba loo aqoomsado pandemic oo uu dunida khatar galiyo, meeday qorshihii ahaa waa ciqaab diin laawaha loogu talogalay?
6. Sannadkan Sacuudi Carabiya waxay hakisay cimradii, maxaa diiday in la yidhaa cudurkani waa mid China u gaar ah?…only for China.
Ka hortaga ayaa isdaawaynta ka wanaagsan.
Qore. Ahmed Ibrahim (Dooddi), ku takhasusay cudurada faafa (Tropical and Infectious Diseases specialist).
Si aad u akhrisato cilmibaadhista la daabacay March 2019 fadlan hoos kala dag.
RESEARCHGATE.NET

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker