Inan Leh Adeer Siyaasadeed & Mid aan Lahayni Uma Sinna Fursadaha Waxbarasho & Shaqo Ee Dalka.

Nuxurka hadaladii ay ka jeediyeen madasha shir-weynaha tol-wanaaje 2, siyaasi Buubaa & Mire + dhambaalka ay xambaarsanaayeen oo ka turjumayay tooshkii sida qaldan loogu ifin-jirey.

“Taas oo iyana meesha ka saari doonta tabasho badan oo jirtay sidoo kalena u furi doonta jid cad & mustaqbal hor leh dhalinyaradii beesha Garxajis ee hore ugu soo agoomoobay siyaasadda dalka ka dib markay waayeen siyaasiyiintii wax ka dhicin lahaaā€¯.


Waayo inan leh adeer siyaasadeed & mid aan lahayni umay sinayn fursadaha waxbarasho & shaqo ee dalkan.

Sidaynu wada ognahay in badan ayaad maqlaysay reerkan & siyaasiyiintiisa oo loo riixayo laguna durayo inay yihiin soomaali-weyn.
Xili ka mid ah xiliyadana ay ku mutays-teen dagaal Somaliland inteeda kale ku qaaddo.
Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye.

Hadaba siyaasiyiintii beeshu waxay maanta iska fogeeyeen sheegeenna sida ay barida uga yihiin qodobkii in badan lagu durayay boogtana looga dhigay si loo duudsiyo taariikhdii & halgankii ay hore dalkan ugu soo galeen isla markaana meesha looga saaro xuquuqdoodii muwaadinimo. Ma maqli jirtay saxaro ul dheer baa layskaga duwaa!!! Alleylehe maantay ul dheer iskaga duween.

Bal waataase maxay odhan kuwii duri-jirey siyaasiyiinta beel-weynta garxajis.

Ugu denbeyn qofka kasta oo dhaawaday hadaladii siyaasiyiinta beeshu ka jeediyeen madasha shirka tol-wanaaje ee beesha Garxajis wuxuu ka marag kacayaa mawqifkooda & siyaasadooda cad ee ku wajahan Somaliland-nimada & sida ay uga fog-yihiin wixii lagu xaman jirey.
Siyaasiyiinta maanta & shalay ee dalka soo maamulayay in badan ayay cidlo ka heleen dalka iyadoo ay meesha ka maqan yihiin siyaasiyiintii dhjgooda ahaa, lagana yaabo inay ka aqoon badnaayeen kagana wanaagsanaayeen xiligii halganka & dib u xoreyntii dalka.

Nasiib darro iyagaa markii hore u loogay dhigooda & siyaasiyiintii la mid ka ahaa markay dalka uga haajireen dhigoodii.Taas oo dhalinyaro badan ku yeelatay saameynteeda, waayo halka dhalinyaradii dhigooda ahaa ay jaanis & fursad u heleen siyaasiyiin haga isla markaana tusaale u noqda halka kuwa kalena ay waayeen cid hagta isla markaana tusaale u noqda ay ku daydaan.

Iyadoo taasi dhaxalsiisay inay la kawsadeen calaacal aanay ab & isir-toona u lahayn & inay ka dib dhacaan dhigoodii mustaqbal ahaan waayo inan leh adeer siyaasadeed & mid aan lahayni umay sinayn fursadaha waxbarasho & shaqo.

Al-xamdulilaahi-se maanta waxay ka soo kaban doonaan wixii dib u dhac siyaasiyan hore ugu soo dhaca, soomaaliduna waxay ku maah-maadaa caano qubtay dabadood la qabay. Sidaa darteed tii hore ku dhaaftaye ta denbe uun!!!!!.

Waxaana la gaadhay xiligii & goortii meesha ay ka bixi lahaayeen labada siyaasi ee faysal & cirro laguna bedeli-lahaa buubaa & mire waayo waxba way naga dhicin waayeen intay ku jireen saaxada siyaasadda Somaliland dhigoodiina waxay siiyeen jaaniska ay dalka ku maamulayaan. Ilaahaw na waafaji sida san ee qumman adigaa qaadiroo qaniya oo weyne.

Allaa Mahad Leh.

 

Qalinkii : Gar. Keyse Koosaar Cilmi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker