Taageero, Tahniyad iyo Hambalyo shirka Tolwanaaje II ee kasocda Buurta Gacanlibaax

Anigoo ku hadlaaya afka Golaha Ruudda Jabaabiirta 1 waxaan Taageero buuxda Tahniyad iyo Hambalyo mug iyo miisaan u dirayaa Ummadda Ismaciil shaikh Isxaaq (Garxajis) ee shirku uga furmay Buurta Gacan Libaax, shirkaasoo ah shir aad u qiimo iyo qaayo badan dhigiisuna aanu hore dalka uga dhicin, waxaan illaahay ka baryayaa inney kasoo baxaan go’aammo dadka dalka iyo diintaba anfaca oo uu ahaado kii dejin lahaa dadka iyo duunyadaba.

Haddii aannu nahay qurbajoogta Ummadda Garxajis kasoo jeedda waxaan diyaar u nahay innaannu go’aamada wax ku oolka ah ee kasoo burqada Salaadiibta, Boqorada Cuqaasha ,Aqoonyahanka iyo Waxgaradka daafaha dunida kakala socda ee shirkan u soo kicitimay maan, maal iyo maskaxba isla garabtaano.
Sida lawada ogyahay dadku waa laba qaybood Arrinkeen iyo AqbalKeen Guurtidaa shirka fadhidaa waa Arrinkeenkii inta shirka debedda ka joogtaana waa Aqbalkeenkii. Illaahay guddoon san haks yeelo ee lagu manaafacaadsado. ee dalka dadka iyo diintaba saameeya muddo dheerbaannu sugeynee.
Wabillaahi Al tawafiiq.
Cabdiraxman M. Cumar
Ritadh, KSA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker