Shacabka Somaliland Gude & debedba waa inay Dacweeyaan lana Xisaabtamaan Xukuu,madihii Kulmiye, ee Siilaanyo

Siilaanyo Xaraashe, Dikteytar, Qabiilaystee, intuu Wadankii Iibiyey Xaraashay oo Reerkiisa, Islaantiisa Aamina Weris, Moorgan, Muhanad & Reerkiisa uu
buuxiyey xaaraan & Xoolihii Umada & Habartii Heerya Xun ee Samsam in ku
ag noolaydba uu Wadankii u xaarashay, ayuu Acountyo Debeda & Daaro ku
wada naas nuujiyey & Xukuumadiisa Xaraasha ee xaqul-Qalin & Dilaalka Tuuga
ee Beenaalaha Qarniga ee Sacad Cali Shire oo weli soo taagan.
Hadaba, Siilaanyo intuu wadankii baabi,iyey Gude & Debedba ayuu u boobey
Muuse haani Dagaal Ooge, Duca Diide, oo sii qufuley, ku andacoodey Aniga
Jeegaan ayaa i doortey, oo Xaafadland & Jeegaanland Wadankii ka dhigey.
Hadaba, Shacabka S/Land Gude & Debedba Riyo ayey ku jiraan, Siilaanyo &
Muuse Wadan ay baab,iyeen, xaraasheen, soo oodeen, Dagaal, Colaado &
Dhiig & Boob & Musuq & Xaraash ay ka dhigeen, ayey ku andacoodaan S/Land
wadan dhisan dhawr & Labaatan Sano Gaamurey.
Shicibka S/Land ha isweydiiyaan, Dekedihii mayee, Airportyadii & Hawadii
meeyey, Shicibkii isjeclaa ee S/Land kuwada Abtirsanayey maye, maxaa Jeegaan & Qabiiloyyin u qaybiyey ?.
Shicibka S/Land ha is weydiiyaan, waxa S/Land loo soo wada dhintey, lawada
leeyahay meesha uga baxdey ee Laba Reer ugu abtirsadaan, Gaashaabuur &
Jeegaan, oo ay sidii Boqortooyo Kursiga isugu boobeen, isagana degeen.
Shicibka S/Land maxaa Shirkadaha, Qandaraasyada, School Shipka Ardayda
Shaqaalaha & Shaqooyinka Labadaa eer ee H/awal & /Jeclo ee Siilaanyo &
Muuse ka soo jeedaan keligoo u qaataan, ugu badan yihiin, Reerihii kale hoos
joogayaal ku hoos nool oo wuxuun loo tuura u noqdeen.
Shacabka S/Land Laba Gole Baarlamaan ayey ku faanaan, maxaa S/aal oo uu
ugu tafa xaytaa Siilaanyo & Muuse & Kulmiye oo H/Jeclo & H/awal oo Jeegaan
la baxay ay ku abtirsadaan uu ugu dagaalamaa, kolkey Wadanka Deked, Cir &
Dhulba xaraashayaan, waar bax, kaxee raaci, oo cid ka hadli karta Dulmigaa
S/Gaal samaynaynayo aanay jirin, miyaanay Boqortooyo Laba Reerood ahayn
Reeraha Kale daawadayaal aan ka hadli karin ahayn.
Sidaas Darteed, Shacabka S/Land, beenta Siilaanyo & Muuse & Kulmiye oo
Hawadii Somaliya la wareegtey, Dekedii oo EHPIA & DPW, la siiyey oo Xaqul-
qalin uu Siilaanyo & Muuse Kulmiye siistey, Dhulkii oo Colaad & Dhiig ay ku
keeneen, oo Ceel Afweyn & Tukaraq intaa dhiig ku daadinayaan, horana uu
Siilaanyo Kalshaale ugu daadiyey, oo iyaga danahooda & Umada Dhiig &
Colaad faraha u geliya si ay uga jeestaan, Wadanka la boobey, lawada xaraash-
ay, lala wada wareegay ee Xaqul-qalinka ay dhaafsadeen, Faysal Tenegna kolba
Caloosha inta loo soo dhaamiya uu TV,yada Cay & Aflagaado uu la hor yimaado, Shicibkuna ay dhegeystaan, daawadayaal ka noqdaan, waxa ka fiican
Su,aalo badan, oo Umadu isweydiiso, waxa S/Land Meel kasta uuga soo xidhan
tey, Hawadii Xamar la wareegtey, Dekedihii DPW & EHOPIA loo siiyey, Dhulkii
& Xuduudkii Dagaal & Dhiig uugu daadinayo,  Mucaawinooyinkii & qaadhaankii Aduunku ku caawin jirey laysugu haysto, sawma maaha Siilaanyo & Muuse ayaa Handaraabay, Qufuley, meel kasta ka soo oodey S/Land oo Dan-
ahooda qudha ka raacdey, oo Xaqul-Qalin & Acountyo Debeda oo ay xaaraan
ka buuxsadaan ku bedeshay, S/Land Qadiyadeedii, Wada Nolaanshihii & Muw-aadinamadii.
Taana waxa kuu cadaynsa, Siilaanyo Xaarashe Intuu ir, Dhul & Badba Xaraashay
xaqul-qalinkii & Abaal Gudkii Dubai ku jaqaya, Guri & Raaxo xaaraana ku helay.
Muuse Shaanina waataa Xaqdaradii & xaaraantii meel kasta qiiq & qaylo &
Colaada kaga baxayaan ee ku qufulantey Madaxtooyadii Xaafadland.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker