Gabayga: XAG U DIRIR

Gabaygan waxa curiyay Abwaan Cali Axmed Kooshin. Waxa uu soo baxay  23/5/2018. Waxa uu ka hadlayaa xaaladaha uu marayo Dalku ; Caddaalad darrada iyo musuqa baahay ee ku habsaday Dalka. Sidoo kale waxa uu tilmaamayaa , Tabashada iyo Tacaddiga ay qabaan Reer Sool. Colaadaha dami waayay iyo Xasili waa’ga  Ceel  Afweyn. Waxa uu ku bilaabmayaa Gabaygu :

 

Calanyahaw rag baa kuu xarbiyay xay badhkood yahay e

Xabaalaha badhbaa kuugu jira oon xasuusnahaye

Xeeldheerayaal baa kuu dhintiyo kuman kaloo xaadle

Axmed Dhagax xaqiisaad tihiyo xawdi Harag-Waafi

Xuski Maxamed Cali iyo baad tihiyo xamarki Koodbuur

Xabaal ina mahdi iyo baad ka timi xalanow Koosaar

Xinjirtii Lixliyo baa ku dhalay dhimashadii Xaamud

Xundhur Aadan Shiinaad tihiyo Raage xubintii

Xiidmii Aadan saleebaan ayaan kugu xasuustaa

Gacma-dheere xooggiisi iyo xeelad Cumar-Toorri

Xulashadii Cuddaad ii tihiyo xididki Raamaale

 

Xabaduhu raggii ay dileen xay an ku illaawo

Xigaalkiyo dalku ba dhaxal u helay een xushaad tahaye

Xikmad kale ayaan kuugu qoray xarafkan tawxiide

Xaaje’ e xadgudub inaanu dhicin Eebbe la xasuusto

Oo xeer islaam la isku dhaqo kama xumaadeene

Xoqoshadu dalaalkay ka timi la is xaq marin waa’ e

Xujana taydu maahee markaan xaalka garan waayay

Xeedhada haddaan gacanta daray xeer se maan jabine

Xaaskii lixloo kugu dulqaday ayaad xaadir u ahayde

Xaqdarrada miyaanaad ka guban oonad ka xanaaqin?

Xumahana ma raallaad ka tahay xadhiga soo goostay?

Xaq u dirir miyaanaad ahayn baadil ka xaroobay?

Xalaal dhalad miyaanaad ahayn loo xinjiro daadshay?

 

Xusbad laawa yahaw naafadii kuu xubnaha beeshay

Xeerkiyo sharcigi lagu ma darin lamana xaalayne

Xiniinyaha kuway goysaybaa kugu ag xaasaabay

Xaruhumaad ku taal baa dulmiga lagu xareeyaaye

Xaq la duudsiyaaba ka jira xulufo beeloode

Xayndaabba koox baa fadhida oo xantoobsada e

Adigu na xuquuq lagu tuntaad dul xarfanaysaaye

Xaawalay gabawdiyo agoon xoolo li’I hayso

Xafiisyada waxaa tuman duqay laga xishoonaayo

Xildhibaanaduun baa galiyo kii xasarad haysta

Xuurtuun dadkii kale ugu dhimay meel cid loo xidhaye

Xididkaagu wuxu nuugayaa xal iyo laaluushe

Xaaraantu waa kaa mamnuuc xeeladaha qaare

Xukumada qalloocana adaan kaaga xadhig soohay

Xuduuddaadu waa daacad iyo xaq iyo miisaane

Xad ka baxa se waan kugu arkaa xiinka iyo roorka

Xildarradiina way kugu caddahay xani ba sheegaysay

Xamxamtiyo warkii suuqa yiil kugu xaqiiqoow

Xuuraanka iyo faalladii la isku soo xoor

Xagal daaci waa kugu cadyahay xaajo waa marage

 

Xalwad iyo rag baad malab u tahay xil iyo maamuus

Xigsintaad nirgaha uga listaa ooy xoorki dhamayaane

Xareed iyo barwaaqaad u tahay xero gu’ roobaad

Xil ku boobyadaad saaciddaa la xabsiyayn laa

Xeerkiyo sharcigi loo sinnaa laga xawaaree

Xilfi waxad la tahay Tuug wax xada aastay xididkii

Xurgufsade xilqaran saran yahay xero qabiil ootay

Xaabiyo dabkuu shidanayaa yahay xigaalkiisa

Xirfadlaha xuluul daaqyadaa calanyaw xiiseeya

 

Xeebaha sanaag bari ka xiga eed xasilin wayday

Xurma li’ida reer Sool qabaan ma xannibnaateene

Xuub caaro iyo meel kalaa la xodxodaayaaye

Xudun iyo Taleex waxa ka maqan xarunta Buuhoodle

Xaafadaha Hargeysaa la mida oo kala xaquuq roone

Kuwaasi na inay xamar tagaan saw xaq uma eeka ?

 

Xogta urursaneen kuu hayaa waa xil gudan waa’ e

Xisaabaha wixii hore qaldamay xanafti way taale

Xeerbeegti loo saaro iyo Xaakim baa geli

Xeer ilaashe guud iyo Qareen xaadir buu noqon

Xukun maalintuu soo baxuu xaal si uun noqone

Calanyahaw xaqsoorkii ku noqo waa xorriyaddaa e

Haddii kale in uu xuud ku liqo xuuri kula duusho

Ama ay Xanfaley kula tagtaa saw xal noqon mayso ?

 

 

Curiye: Cali Axmed Kooshin

cabdirisaaqanta@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker