Maxaa Sababa Shilalka Baabuurta oo aad u soo badanaya?

Inkastoo Qadarka Allah ay wax walba ku xidhan yihiin oo wax kastaa ku dhacaan awoodiisa, haddana wax kasta waxaa ay leeyihiin sababo taas oo kalifaysa in ay fududaato in ay masiibo dhacdo.

Ummadu sideedaba waa in ay is waydiisaa oo doontaa xalkeeda dhibaatooyinka ku gadaaman ama la soo darsa. Ma jirto dhibaato iyadu iskeed isku xalisa ilaa la darso oo la ogaado halkay ka imanayso (Route Causes), Si loo helo xal waara oo lagu yaraynayo arrintaasi (sustainable Solutions).

Aan u soo daadago dulucda maqaalkaygan oo aan go’aansaday in ay tahay muhiim in laga hadlo arrimahan bulshada ee dadka khuseeya halka badankeenu ku mashquulay siyaasada oo la ilaaway arimihii bulshada (Social & Security).

Somaliland waxaay leedahay ciidan police ah oo la yidhaahdo ciidanka nabad galyada wadooyinka oo u xilsaaran ilaalinta iyo nadaaminta isticmaalka wadooyinka iyo shuruucda wadista gaadiidka.

Waxaa aynu u baahanahay in aynu xoojino ciidankaasi si aynu u hiigsano mustaqbalka bulsho ka nabad gasha shilalkan faraha badan ee galaaftay naf iyo maal ba!

Si loo helo xal waara waxaa ku waajid ah shicib iyo dawlad ba in ay nu maanka ku hayno wax na ka ogaanno sababaha keenay musiibadan aan dabiiciga ahayn.

Aniga aragtidayda haddii aan cabiro waxaa keenay shilalkan faraha badan dhawr qodob oo ay ka mid yihin:

* Shuruucda Wadida baabuurta oo aan si fiican loo raacin ( Violation of the Law)

Wadan kastaa wuxuu leeyahay shuruuc lagu hago wadida baabuurta oo ay khasab tahay in uu raaco wada kasta, haddii uu jabiyana uu ku mutaysanayo ciqaab ka dhalatay sharcigaa uu khilaafay.

Qofka inta aanu wado baabur noqon waa in la mariyaa oo laga eegaa in uu u qalmo in uu wado noqdo iyo in kale lana mariyaa baadhitaano badan (Screening),

si ay u noqdaan darawaladu qaar leh xirfad sare oo ay gaadhiga ku maamuli karaan isla markaana leh masuuliyad.

* Wadooyinka oo burbursan ( Poor Roads)

Wadada oo burbursan waxay sabibi kartaa shil sida dhacday Somaliland marar badan inta uu waduhu is yidhaah ka daw godka uu ku dhaco gaadhiga kale ee haadka kale maraya ama uu ku dhaco hog wayn deedna uu ka lumo maamulida gaadhigu.

Waxaa aynu u baahanay in aynu wadooyinka samaysano waliba kuwa had iyo jeer shilalka faraha badani ka dhacaan.

* Tayada Baabuurta oo liidata ( Condition of the car)

Caalamka waxaa jira marka uu gaadhigu mudo gaadho in aan la isticmaalin iyadoo la ilaalinayo dadka bulshada ah.

Inta badan inaga waxaa dhacda in uu shilku ka yimaado gaadhiga oo ciladaysan ama aan dayac tirnay. Haddaba waxaa dawlada ku waajib ah in control-lada la dhigo ciidan hubiya tayada baaburta isku socota (Condition of the car).

* Caaafimaadka Wadaha (Health Condition of the driver)

Waduhu waa in uu ka caafimad qabaa maskaxda marka hore mar labaadna waa in uu ka caafimad qabaaa xubnaha muhiimka u ah wadida gaadhiga tusaale ahaan waa in ay indhihiisu caafimaad qabaan.

* Xadidida Xawaaraha gaadhigu ku socdo (limiting Speed)

Waa in wadooyinka lagu wada dhejiyaa calaamada oo dhan guud ahaan, gaar ahaana xadiga speedka ee la ogol yahay inuu ku socdo ee aan khatar kaga iman Karin baabuurta.

 

 

 

Abdisalan Ali Yousuf

Social Activist

Tell: 00252634422058

Email: Salansom@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker