Koonfur Afrika oo xasaanad siisay Putin iyo dhamaan masuuliyinta ka soo qeybgaleysa shirka Brics

Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqday xasaanad diblomaasiyadeed oo ay siinayso mas’uuliyiinta ajnabiga ah ee ka qaybgalaya shirka Brics ee bisha Agoosto, taas oo suurtogal ah inay albaabka u furto ka qaybgalka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Faafi rasmi ah oo see daysay Koonfur Afrika ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Naledi Pandor wuxuu sheegay in xasaanadda ay sidoo kale khuseyso mas’uuliyiinta ka qaybgalaya shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee Brics ee ka bilaabmaya Khamiista Koonfur Afrika.

Faafinta rasmiga ah ayaa lagu dhawaaqay si waafaqsan xasaanadda diblomaasiyadeed iyo sharciga mudnaanta – kaas oo dhigaya in xasaanadda la siiyo saraakiisha iyo khubarada UN-ka, hay’ad kasta oo gaar ah ama hay’ad kasta iyo wakiillo ka socda waddan kasta oo ka qayb galaya shir caalami ah oo lagu qabto Koonfur Afrika.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dowladda Koonfur Afrika cadaadis lagu saarayo inay go’aan ka gaarto imaatinka Mr Putin, kaasoo ay ku raad-joogto maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee dambiyada dagaal taas oo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo dagaal xilligii uu dalkiisa ku duulay Ukraine.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker