Waxbarashadda Loo Socdo (Q3AAD) “Macallimiinta iyo Tiknolojiyada”

Macallinka Casrigan wax dhigaya waxa laga rabaa in uu noqdo,mid wax ku gudbin kara fasal kasta  iyo xaallad kasta oo timmaada sida hadda dalku ku jiro,xaqiiq macallimiin badan waxa wax gudbintoodu u diyaarsaneyd Marka horreba in ay la-jaanqaadi karaan isbeddel kasta oo yimmaada,halka barrayaal badan ay ahaayeen kuwo ku jirey wakhtigii casharka lagu gudbin jirey codka iyo maqalka hadalka macallinka,isticmaalka samuurada iyada oo tamashiir wax lagu qoraayo.Macallimiinta dambe iyaga oo Buugga Maaddadiisa,Tamashiirta,iyo Codkiisa uun heysta ayaa isbeddelkani billaabmey.

 

Tiknolojiyaddu si weyn ayey waxbarashadda ugu jirtaa dhankasta maanta,hase ahaate somaaliland socdaal iyo safar gaabis ah ayey kaga jirtaa,socdaal iyo safar inta ka badan ayey u bahan tahay in loo soo galo si waxabrashaddeena iyo tiknolojiyaddu ay isugu xidhmaan,islana jaanqaadaan.Inta tiknolojiyadda waxbarashaddeena loo addeegsado markaad fiiriso  Rajjo iyo deddaal ballaadhan ayaa dhanka Xaafaddaha iyo Dugsiyadaba ka muuqda.Dhanka kalle Macallimiin iyo Ardey badan oo Bahda waxbarashadda ah Ayaa wejahey caqabado la xidhiidh aqoondarro ka heysata isticmaalka Agabyada Tiknolojiyadda,sida ku shaqeyntooda iyo Addeegsigooda intaba,ma heystaan la talliyayaal dhanka Tiknolojiyadda ah,Ma heystaan Agabyada assaasiga ah ee looga bahan yahay Sida Kumbuyutero,amma Telefoonada gacanta ee casriga ah oo ku qaali ah dhanka lacagta. Dugsiyadeena  Dawladduna mey Awwoodin in ay ardey kasta iyo macallin kasta siiso qalab tiknoloji, Dugsiyada Qaarkood in Khadka Internetku ugu Jiro ama laga heli karo ayey su,aasha xiisaha leh noqoneysaaba.baraaruga dhanka isticmaalka Tiknolojiyadda ee Dugsiyada Dawliga ah ayaa suurtagal noqoneysa wakhtigan.

 

Macallimiinta Hawl-gabka ah ee Dalka wax ka dhigaa,waxey u badan yihiin kuwo inta badan aan aqoontan casriga ah ee Tiknolojiyadda la heysanin.baddi Macallimiintaasi waxa ay wax kasta kaga kalsoon yihiin Buugga Maaddadooda ee ay inta badan sitaan,waxa ay wax kasta kaga kalsoon yihiin,casharadda ay gacantooda ku diyaarsadeen,waxa ay wax badan kaga kalsoon yihiin gacantoda oo in samuradii iyo cashar qoridii waayadii horre la sameeyo ayey rabaan.Macallimiinta Waaweyn,ee ee hadda hawl-gabka ku wada dhow ama taagan,oo dugsiyada iyo jaamacaddahana weli wax ka sii dhigaa mey isticmaali jirin wax agab tiknoloji ah intooda badani,waaney kaba xanaaqi Jireen,hadda si taxadir leh ayey uga jawaabayaan isbeddelkan cussub ee la galay.Barrayaasheena inta badan soo shaqeynaayey waxa ay maalmahan inala qirayaan baahida loo qabo Waxbarashadda Tiknolojiyaddu hageyso,waxaaney garwaaqsan doonnaan in aan habkii horre ee dhaqamiga ahaa wixii hadda ka danbeeya sii shaqeyn doonin.

 

Helida iyo Raadinta Agabyada Tiknolojiyadda ah Ayaa iyadana sare u kac badan laga dareemayaa waayadan dambe.qof kasta qalabkii u heystey iyo inta uu Tiknolojiyada kaga xidhnaa Ayuu dib u eegay guud ahaan Bahda waxbarashadda oo idil.Boqolaal qof waxa u soo baxdey in aaney raad fiican ku laheyn aqoonta Tiknolojiyadda oo ah waxyaabaha wakhtigan loogu baahida badan yahay dunnida looguna isticmaalka badan yahay.Macallimiintana dhankooda waxa laga rabaa in ay horseed ardeyda ugu noqdaan helida iyo baadhida waxtarka Tiknoljiyada ee dhinaca waxabrashadda si ardeyduna u doontaan una baadhaan.saraakiisha waxbarashadda ee xafiisaadkaaadka kala duwan ayaa sahlaya diyaarinta qalab iyo agab kasta oo fududeynaaya helida iyo bixinta casharadda.

 

Bakhaarada iyo Dukaamadda iibiya amma keena qalabada tiknolojiyadda ugu Danbeyntiina maalmahan waxa ay helayaan dalabyo badan oo la xidhiidha iibsiga noocyada kala duwan ee tiknolojiyadda ah,sida kumbuyutero,kamaradaha ama sameecadahaba,Dad badan oo aan heysanin oo hadda ku baraarugey ayaa suuqa lacag adag ku sii daayey.Tiro badan oo Ardey iyo Macallimiin ahi waxa ay barteen (Sofware) fudud oo si si sahal ahna loola soo degi karo lana isticmaali karo,Mustaqbalka waxbarashadda ee Dalka tijaabo ayaa nidaamkani ku noqon doonaa la horumarin doono,waxtarkiisa,iyo waxyeelladiisana waa la isbarbardhigi doonaa,Waayo-aragnimada laga dhaxli doonaana mar kale mustaqbalka waxbarashadda dalka ayey wax ku biirin doontaa dhanka ardeyga,Dhanka Macallinka iyo Dhanka Maamulkaba.

 

 

 

La soco Qeybta Dambe…………………..

 

 

 

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker