Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi iyo Boqor Buur-madow … Dhagaxtuurka siyaasadeed midkee koobka qaadi doona?! Tusaale taariikhda dhow ee Somaliland ah

Alle ha u naxariistee Xaaji Aadan Afqallooc ayaa hore u yidhi: “Taariikhdu waynoo misbaax maanka caawima’e **Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaa”.

Sida culimada aqoonta u lehi yidhaahdaan: taariikhdu waa shaybaadhka siyaasadda.

Barashadeeda iyo dib u milicsigeeduna waa waxa lagu fahmo waaqica markaas la joogo, mustaqbalka soo aaddanna lagu hilaadiyo. Taariikhda looma derso in dib loogu noqdo waayo taasi waa ma dhacdo, balse waxa loo dersaa si waayaha iyo duruufaha markaas taagan saamaynta ay yeelan karaan iyo raadadka ay reebi karaan loogu garto iyadoo laga dhimbiil qaadanayo kuwii la midka ahaa ee hore u dhacay. Waxa kale oo loo dersaa si timaaddada mustaqbalka ee soo aaddan ee if iyo aakhiroba leh qorshe iyo ku talagal fiican oo lagaga gudbi karo loogu diyaarsado. Taasina waa sababta Alle Quraankiisa ugu soo arooriyey qisooyin tiro badan taariikhda ummadihii innaga horreeyey iyo marxaladohoodii nololeed ee kala duwanaa wixii ay muteen ku saabsan, si aynu tusaale iyo cibro uga qaadanno. Si aynu qaladaadkii ay galeen uga digtoonaanno, wanaaggii ay sameeyeenna ugaga dayanno.

Intii warbaahinta sacabka lagu qaaday ee shabakadaha ku-tidhi ku-teenta la isugu tebiyaa soo bexeen; ma haysanno saxaafad qaangaadh ah oo dhacdooyinka taariikhda intay lafagurto talooyin iyo tusaalayaal dhaxal gal ah innooga soo dheegta.

Sida laga warqabo indhoweydba waxa socdey oo warbaahinta ku jirey dagaal dhagaxtuur siyaasadeed ah oo u dhexeeya xukuumadda Somaliland ee madaxweyne Muuse Biixi gadhwadeenka ka yahay iyo Boqor Cismaan Aw-Maxamuud (Buur-madow) oo madax
dhaqameedka reer Somaliland ka mid ah.
Dagaalkaas ama dhagaxtuurkaas siyaasadeed wuxu ku bilowday Boqor Cismaan Buur-madow
oo ka hadlay laba dhacdo dil ah oo sedex sarkaal oo ciidammada Somaliland ka tirsan loogu
geystey gobollada Sanaag iyo Sool, kuwaasoo uu xukuumadda ku eedeeyey inay ka
falceliskoodii si aan caddaalad ahayn u maamushay. Boqorku waxa uu xukuumadda ku eedeeyey
inay labadaas dhacdo ee saraakiisheeda lagu laayey midna aad iyo aad u buunbuunisay, tacsi
heer sare ah iyo aas qaran u samaysay islamrkaana dadkii iyo deegaankii dhibgeystayaashu
kasoo jeedeen gabagabeysey oo bandoo kusoo rogtay, dad tiro badan oo aan intooda badani
falkaas lug ku lahayna kasoo xidhxidhay, qaar kalena ku daba jirto, halka dhacdadii kalena
huurisey oo hoos u dhigtay! Boqorku wuxu tilmaamay inaan xukuumaddu sarkaalkii
Laascaanood lagu diley oo beeshiisa kasoo jeeday wax tacsi ah ka dirin, in aanay aas qaran u
samayn sidii saraakiishii ka horreysey loo sameeyey, in aanay ciddii sarkaalkaas dishey wax
baadhis iyo dabagal ah ku samayn islamarkaana aanay jirin cid loo soo xidhay iyo cid lagu dabo
jiro oo lagu maqan yahay midna, jawaabta keliya ee xukuumaddu ka bixisayna tahay cadowga
Somaliland baa diley! Boqorku waxa uu xukuumadda kaga cawday in aanay xil iska saarin
marka beeshiisu dhibbane tahay, halka marka ay dhibgeyste tahayna cadaadis dheeraad ah saarto,
waxana uu sheegay in aanu garanayn sababta xukuumadda arrinkaas ku kallifeysa.
Boqor Cismaan waxa kale oo uu ka hadlay shir uu sheegay in beelaha bariga iyo galbeedka
Burco u ballansan yihiin Ramadaan ka dib. Shirkaas oo uu sheegay in labada beelood isku laabxaadhanayaa islamarkaana dahohooda iyo horumarinta deegaannadooda kaga arrinsanayaan.
Hadalkaas Boqor Buur-madow wuxu xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku kiciyey cadho
xooggan oo ay isla madax martay ilaa doorkeediiba ka qaldamay oo ay doorarkii reeraha u
gudubtey. Xukuumaddu waxay sheegtay: inaan shir beelaha bariga iyo galbeedka Burco dhex
mara xilligan loo baahnayn, maadaama Burco nabad tahay oo aan colaadi ka jirin, waxay
sheegtay inaan shirkaas la hadal hayo ee aan weli qabsoomini ahayn shir beeleed, balse yahay
shir siyaasadeed! Hadda maba qabsoomin! Qabanqaabadiisiina weli ma bilaaban! Mar kalena
waxay sheegtay inaan shirkaas ujeeddadiisu caddayn!
Waxa kale oo xukuumaddu bilowday olole ballaadhan oo eedayn iyo cambaarayn Boqor Buurmadow loogu jeedinayo. Ololahaas oo masuuliyiin tiro badan oo heer walba leh oo xukuumadda
ka tirsan, saraakiil xisbiga kulmiye ka tirsan, badhasaabbo, wasiirro iyo agaasimayaal haatan
xilalka haya iyo kuwo hore u hayn jireyba isu daba mareen u jawaabista iyo eedaynta boqorka,
dad kale oo xukuumadda taageersanina sii xoojiyey! Waxase ugu cuslaa uguna yaab badnaa
eedayntii madaxweyne Muuse Biixi boqorka uga jeediyey dugsiga Biya-dhacay xafladdii
bilowga imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Somaliland ka dib! Madaxweynuhu wuxu
sheegay in xan fara badani jirto oo Boqor Buurmadow aad loo xamanayo! Haddana wuxu
boqorka ku eedeeyey inu colaadda degmada Ceel-afweyn telefoon ku hagayo, iyadoo warka
qudha ee la hayaaba xan yahay, sida madaxweynuhuba sheegay!
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “nin reer u weyn iyo naag ummuliso ah midna siduu wax
u ogyahay wax uma sheego”. Xataa waxa ay og yihiin ee hubaan ma wada sheegaan, iyagoo
danta ummadda iyo anshaxa guud xeerinaya. Haddaba waxa isweydiin leh toloow hadalkaasi
madaxweynaha ma ku habboonaa?! Haddiise nin, laba iyo tobannaan xukuumaddiisa ka tirsaniba
u jawaabeen miyay ku fillaan waayeen?! Bal adba?! Abwaan Hadraawi ayaa hore u yidhi:
“Hubka Mudug ku talax tegey ** Alleylehe hubsiiniyo ** Hakin buu u baahnaa”. Waar malaha
xeer horena waa jiraye; boqorka in loo kala hadho ayaa habboonayd!
Waxa kale isweydiin leh: Haddii Boqor Buur-Madow hadlay maxaa ku jaban? Ma magan Allaa
ceeb noqotay?! Mise Maka iyo Madiina ayaa la gubey?! Waxa kale oo isweydiin leh horta Boqor
Buur-madow inuu hadlo xaq ma u lahaa? Mase u leeyahay? Marka laga yimaaddo inuu yahay
oday muwaadin ah dalka u dhashay, xuquuq kasta oo muwaaddiniinta kale ee dalku leeyihiinna
leh, Boqor Buurmadow beesha uu kasoo jeedo odayaasheedana ka mid yahay dilalkaas Sool iyo
Sanaag ka dhacay ayay midna dhibbane ka tahay, tan kalena dhibgeyste ka tahay oo labaduba
khuseeyaan; sidaa awgeed wixii maamulka labadaas dhacdo ku saabsan ee uu saluugo ama ku
qalloocan inuu ka hadlo iyo inuu ka cawdoba waa leeyahay, ha looga garaabo ama yaan loo
garaabine.
Tan shirka labada beeloodna dee oday beeleed buuba u yahay, sida waraysi dambe ku sheegayna
keligiiba kuma ahayne guddida iyo salaadiinta beel-weynta uu kasoo jeedo ayaa la qabta, ilaa
haddana cid ku beenisa oo guddidii beesha ah ma aynu maqal.
Marka la eego jawaabahaas faraha badan ee xukuumadda iyo taageerayaasheedu bixiyeen iyo
fara badnida masuuliyiinta ka hadashay; waxa keliya ee ay muujinayaan waa sida xukuumaddan
madaxweyne Muuse Biixi weli layliga u tahay ee biyaha kasheeda ku jira uga didsan tahay.
Waxa ay muujinayaan bisayl la’aanta siyaasiyiinteeda iyo masuuliyiinteeda ka muuqata. Sida
xukuumaddu uga boodday shirkaas labada beelood ee boqor Buurmadow soo hadal qaaday, ka
hadalka ay ka hadashay iyo mawqifka diidmada ah ee ay ka qaadatay ayaa tusaale muuqda u ah
bisayl la’aanta siyaasaddeeda iyo sida doorkeedii uga qaldamay.
Shirarka beelaha iyo wada tashigoodu waa waxa Somaliland dheer tahay soomaalida kale, gaar
ahaan kuwa Soomaaliya, waana tiir ka mid ah tiirarka xasilloonida Somaliland. Tan kale
xukuumaddu ma ogaan karto xilliga beeluhu inay shiraan u baahan yihiin, afkeedana maaha inay
ka hadasho in shir loo baahan yahay iyo inkale.
Haddaba markaynu intaas kasoo gudubno; waxan doonayaa inaan halkan kusoo gudbiyo tusaale
hore u dhacay oo ku saabsan sida siyaasiga layliga ahi wax u qarribo isagoo wax hagaaji is leh.
Sida uu mushkilado aan hore u jirin u abuuri karo ama kuwo jiray oo koobnaa usii ballaadhin
karo. Waxan dadka inta waaweyn ee berigaa joogtey xusuusinayaa, intii berigaas yaryarayd ee
imminka dad waaweyn noqdayna u sheegayaa dhacdo madaxweyne Muuse Biixi laftiisa hore ula
kulantay oo tusaale fiican u ah sida siyaasiga layliga ahi wax u qarribo isagoo isleh wax baad
tartay, ciddii uu taageersanaa ama difaacayeyna guuldarro siyaasadeed ugu horseedo.
inkastoo aanan sannadkii ay ahayd hubin, waqti aan hubo inuu sannadihii qarnigan 21aad ee
aynu ku jirno ugu horreeyey ka mid ahaa ayaa fagaaraha Khayriyadda ee Hargeysa la isugu soo
baxay, si loo xuso munaasabad ka mid ah munaasabadaha waaweyn ee ururkii SNM oo aan
filayo inay ahayd 6dii Abriil.
Xafladda waxa isugu yimi dadweyne tiro badan oo fagaaraha Khayriyadda buuxiyey iyo madax
siyaasadeed oo muxaafid iyo mucaaradba leh, badankooduna ururkii SNM ka wada tirsanaayeen.
Berigaas waxa dalka madaxweyne ka ahaa madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal, mucaaradka
siyaasadeedna waxa ugu firfircoonaa kooxdii dib u habaynta SNM oo Mujaahid Xasan Ciise
Jaamac oday u ahaa.
Madaxdii labada dhinac ee xuska munaasabaddaas kasoo qayb gashay waxa kala hogaaminayey
Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo berigaa wasiir xukuumaddii madaxweyne
Cigaal ka tirsan ahaa oo dhinaca xukuumadda hogaaminayey iyo Mujaahid Xasan Ciise Jaamac
oo kooxdii dibu habaynta SNM ee mucaaradka ahayd hogaaminayey. Labadooduba hogaankii
sare ee ururka SNM ayay ka mid ahaayeen, labadooda ayaana isku beegnaa dhinaca hadalka.
Furitaankii xafladda iyo hadallo taariikhdii iyo muhimmada munaasabadda la xusayey leedahay
ku saabsan ka dib; sidii caadadu ahayd waxa hadalkii la siiyey madaxdii siyaasadeed ee madasha
isugu timi. Sidii habdhaqanku ahaana mucaaradka ayaa hadalka ku horrayn jirey ka dibna
xukuumadda ayaa hadli jirtey, si malaha xukuumaddu wixii eedo ahaa ee goobta looga soo
jeediyeyna isaga difaacdo, xafladdana usoo gagabayso.
Haddaba markii hadalka loogu yeedhay mujaahid Xasan Ciise Jaamac ee uu dhinaca mimbarka
usoo dhaqaaqay ayaa mujaahid Siilaanyo erey kaftan iyo codsi isugu jira kasoo daba tuuray,
kaasoo ahaa: “Xasanoow yaan la isku talax tegin”.
Markii mujaahid Xasan Ciise Jaamac hadalkii u baxay ee salaantii iyo intii munaasabadda la
isugu yimi iyo milgeheeda ku saabsanayd dhammeeyey ayuu dadweynihii khayriyadda tubnaa si
toos ah ula hadlay, wuxuna isagoo codsigii mujaahid Siilaanyo ka jawaabaya ku yidhi hadal
kaftan ah oo aan waxna dhimin waxna dhaafin. Isagoo u duurxulaya Wasiir Axmed … oo
berigaa wasiirka arrimaha gudaha ahaa goobtana fadhiyey ayuu dadkii ku yidhi: walaallayaal
dadweynihiinnan sharafta leh ee munaasabadda kasoo qayb galayoow waxaan idiin sheegayaa
imminka markaan hadalka usoo kacayey ayaa nin mujaahid ah oo aannu saaxiib nahay aadna u
kala xishoonno oo wasiirradan xukuumadda metelaya ee dabayda fadhiya ka mid ahi erey iga
soo daba tuuray, wuxuna igu yidhi: “Xasanoow yaan la isku talax tegin”, markaa horta talax tegi
maayo; waxanse idiin sheegayaa: wasiirradan xukuumadda ah ee dabadayda fadhiya waxa ku jira
qaar marka mucaaradku hadlayaan kusoo kaca oo mikirifoonka ka dhufsada’e walaallayaal
waxaan idinka codsanayaa hadday igu soo kacaan inaad igaga qaylisaan, illayn anigu arki maayo
waanigan idinla hadlaya’e!
Hadalkaas kaftanka ahi wuxu si aad ah uga qosliyey dhammaanba dadkii munaasabaddaas kasoo
qayb galay madax iyo dadweyneba. Waayo waxay dadku xusuusnaayeen oo maskaxdooda kusii
jirtey dhacdo hore oo isla goobtan Khayriyadda ee munaasabaddu ka socotey ka dhacday.
Taasoo Wasiir Axmed … oo wasiirka daakhiliga ahi intuu soo kacay mikirifoonkii ka dhufsaday
madaxweynaha Somaliland ee xilligan mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo khudbaynaya. Muuse
Biixi wuxu berigaas ahaa siyaasi mucaarad ah oo ka tirsan kooxdii dib u habaynta SNM.
Hadalkaas kaftanka ahi wuxu noqday mid guushii siyaasadeed ee maalintaas gacanta u geliyey
kooxdii dib u habaynta SNM mucaaradka ahayd ee mujaahid Xasan Ciise hogaaminayey. Wuxu
sababay in Khudbaddii muj. Xasan Ciise inteedii dambe si xiiso leh loo dhegaysto. Wuxu
sababay in markii wasiirkii uu sida dadban u tilmaamay hadalkii la siiyey ee uu mimbarka soo
fuulay shacacbkii Khayriyadda tubnaa oo dhammi hal mar ku oriyaan, hadalkiisiina la dhegaysan
waayo, ka dib markii dadkii goobta ku sugnaa foodhi iyo qaylo ay khudbaddiisa ku diiddan
yihiin kala joojin waayeen, taasoo keentay inuu si degdeg ah mimbarka uga dego isagoo aan wax
khudbad ah jeedin! Wuxu keenay in markii xafladdii dhammaatay dadweynihii khayriyadda ku
sugnaa mujaahid Xasan Ciise iyo xubnihii mucaaradka ee la socday oo socod lug ah khayriyadda
kaga ambabaxay sacab iyo mashxarad ku qaabilaan, kuna sii gelbiyaan oo ilaa ay shacabka
gaadhayeen la daba socdaan! Halka wasiirradii xukuumaddu si degdeg ah baabuurtooda u
galeen, goobtiina uga tageen si dhuumasho u eg!
Haddaynu isku dayno inaynu wax yar ka tilmaanno farqiga u dhexeeya bisaylka siyaasadeed iyo
bisayl la’aanta ee tusaalahani muujinayo iyo midba natiijada ka dhalata waxaynu odhan karnaa:
Ugu horrayn ereyga kaftanka iyo codsiga isugu jirey ee mujaahid Siilaanyo Xasan Ciise ku
tuuray wuxu ka tarjumayey waayeelnimo iyo bisayl siyaasadeed. Muj Siilaanyo isagoo og in
kolleyba xukuumadda uu ka tirsan yahay la dhalliili doono ayuu ku dedaaley inaan dhalliishu
noqon mid huubo-qaad ah oo gondaha la is calashado, dagaalka siyaasadduna noqdo mid baargoosi ah oo wax la isu hambeeyo, maadaama isku dad qudha la yahay, dermo keliyana lagu wada
fadhiyo.
Tan labaad kaftanka mujaahid Xasan Ciise kaga jawaabey hadalka Siilaanyo isagana waxa ka
muuqatey waayeelnimo iyo bisayl siyaasadeed oo kaas hore la mid ah. Waayo mujaahid Xasan
wuxu si farshaxannimo ka muuqato mar qudha uga wada faa’iideystey codsigii dhinaca
xukuumadda uga yimi iyo xusuustii dadka maskaxdooda kasii qoyaneyd ee munaasabaddii tan
ka horreysey reebtay. Wuxu iskaga leexday inuu dhalliilo mutuxan xukuumadda u jeediyo oo
isaga iyo saaxiibbadii fagaaraha isku xagxagtaan. Taas bedelkeediina isagoon mawqifkiisii
mucaaradnimo ka tanaasulin islamarkaana muujinaya bisayka hogaanka siyaasiga ah looga
baahan yahay mucaarad iyo muxaafidba ayuu shuruud la’aan ku aqbalay codsigii dhinaca
xukuumadda uga yimi, wuxuna doortay inuu isku koobo oo sida ugu habboon uga faa’iideysto
farsamo xumada siyaasadeed ee wasiirrada xukuumadda qaarkood ku kaceen, taasoo
mucaaradka iyo shacbiguba isku si u dareemayaan.
Mujaahid Xasan isagoo xusuusta dadka maankooda kasii qoyan ka faa’iideysanaya wuxu is tusay
xukuumaddu halkii ay dhalliisha ku lahayd iyo indhihii dadweynaha, ka dibna wuxu dadweynihii
goobta ku sugnaa fursad u siiyey inay iyagu ciqaabaan siyaasiga layliga ah ee sacabka
siyaasadda sida qaldan u tumay! Marka si kale loo dhigona; waxa la odhan karaa mujaahid
Xasan wuxu kubbaddii u sallaxay dadweynihii khayriyadda tubnaa si ay goolka xukuumadda
ugu laadaan, dadweynihiina si fiican ayay kubbaddii u laadeen ilaa ay goolkii xukuumadda ku
hubsadeen, gool-hayihiina dhaafiyeen!
Tan sedexaad mujaahid Xasan Ciise iyo saaxiibbadiisii mucaaradka ahaa inay libta siyaasadeed
maalintaas la hoydaan waxa u suurta galiyey oo ay ka faa’iideysteen falkii bisayl la’aanta
siyaasadeed ka muuqatey ee Wasiir Axmed … ku kacay markii uu mujaahid Muuse Biixi oo
dadweynaha hor taagan oo u khudbaynaya mikirifoonka ka maroorsaday khudbaddiina sidaas
kaga joojiyey, munaasabaddii tan maalintaas la xusayey ka horreysey, falkaas oo dadweynuhu
aad uga cadhoodeen! Taasina waxay muujinaysaa sida siyaasiga aan bislayn ama layliga ah
waxtarkiisu waxyeello isugu rogi karo, haddii la helo mucaarad bisil oo si habboon uga
faa’iideysta. Sida uu cidda uu taageersan yahay ama uu difaac is leeyahay guuldarro siyaasadeed
ugu soo hoyn karo.
Ex wasiir: Borfasoor Gees ayaa marka uu maqaallada siyaasadeed dhammeeyo odhan jirey oo
qoraalkiisa kusoo gabagabayn jirey su’aal ah: maxaa kuu baxay boowe? Haddaba akhriste marka
aad isu eegto dhagaxtuurka siyaasadeed ee Boqor Buurmadow iyo xukuumadda madaxweyne
Muuse Biixi u dhexeeya islamrkaana aad barbar dhigto tusaalahaas aynu kor kusoo xusnay;
maxaa kuu baxay boowe?! Boqor Buurmadow iyo xukuumadda Muuse Biixi midkee koobka
qaadi doona?!
Hadalka Boqor Buurmadow iyo jawaabta xukuumaddu ka bixisay ma is qara le’eg yihiin?! Ma is
tiro le’eg yihiin?! Isku mawduuc ma hadlayaan?! Ku darsoo jawaabaha xukuumaddu waxay
badiba ku saabsan yihiin shirka labada beelood boqorku uu soo hadal qaadaye, kuma saabsana
isu dheelli tir la’aanta ku jirta sida xukuumaddu dhacdooyinka Sool iyo Sanaag u maamushay ee
uu ka hadlay ama dhalliisha ka bixiyeye?!
Ugu dambayntana sida tusaalahaba ka muuqata; ma laga yaabaa in xoogga dheeraadka ah ee
xukuumaddu Boqor Buurmadow u adeegsatay taageero ku weydo, sidii Wasiir Axmedba xooggii
uu Muuse Biixi mikirifoonka kaga maroorsaday taageero ugu waayey?! Mase laga yaabaa in la
helo mucaarad siyaasad ahaan bisil oo dhagaxtuurkaas si haboon uga faa’iideysta iyo dadweyne
ay goolka tusaan oo kubbadda laada, sidii horeba u dhacday?
Maxamed Ducaale Barre
Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker