Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo si adag uga falceliyay hadalka Netanyahu

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa si adag uga horyimid qorshaha Raysal Wasaaraha Israel ee lagu ballaarinayo dagaalka Marinka Gaza, laguna weerarayo deegaanka Rafah, isagoona ka digay in weerarkaasi uu masiibo ku yahay shacabka Falastiiniyiinta.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka digay in Ciidamada Israel ay weeraraan Rafah, oo ah meeshii ugu dambeysay ee Marinka Gaza, isla-markaana ay ku barakaceen inta badan dadkii ku noollaa Gaza.

Xoghayaha ayaa sheegay in weerarka Rafah uu noqon doono kor u kac aan loo dulqaadan karin, isla-markaana uu naafeynayo shacabka Falastiiniyiinta ee degan Gaza.

“Weerar ay Israel ku qaaddo Rafah wuxuu noqon doonnaa kor u kac aan loo dulqaadan karin, oo naafo ku noqon doona Falastiiniyiinta Gaza.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Xoghayaha ayaa ku baaqay inaanan halis la gelin nolosha dadka gabaadsanaya dhulka ciriiriga ah, isla-markaana aan looga sii darin xiisadda Bariga Dhexe.

“Weerarka militari ee la qorsheynayo in lagu qaado Rafah wuxuu keeni doonnaa in ay ku dhintaan kumanaan kale oo rayid ah, laguna khasbo boqolaal kun oo qof inay cararaan.” Ayuu yiri Xoghayaha oo intaa raaciyay “Weerarka noocaan oo kale ah wuxuu saamayn xun ku yeelan doonnaa Daanta Galbeed ee la haysto iyo guud ahaanba gobolka.”

Xoghayaha oo Warbaahinta la hadlayay ayaa yiri “Xaqiiqda ugu fudud ayaa ah in hawlgal dhulka ah oo ka dhaca Rafah uusan noqon doonin wax aan ka yarayn masiibo aan la qiyaasi karin.”

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa dhinacyada saamaynta ku leh Israel ugu baaqay in ay sameeyaan wax walba oo ay awoodaan, si buu yiri looga hortago weerarka Rafah.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ciidamadiisu ay guluf dhulka ah ku qaadi doonaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, haddii heshiis la gaaro iyo haddii kaleba.

Rafah oo ku taala xadka Gaza iyo Masar waxaa hadda degan inta badan dadka reer Gaza, waxayna hoy u tahay 1.5 milyan oo qof, oo ah dadkii laga soo barakaciyay guryahooda.

Netanyahu ayaa u muuqdo mid carqaladeynaya dadaalada socda ee xalka loogu raadinayo colaadda Gaza iyo sii deynta la haysteyaasha Israeliyiinta.

Warka Netanyahu ayaa loo fasirtay mid uu ku xumeynayo rajada laga qabo in Xamaas iyo Israel ay gaaraan heshiis xabad joojin ah.

Heshiiska xabad joojinta Gaza ayaa ah mid si weyn loogu baahan yahay, xilli dunida ay ka walaacsan tahay, sida duulaanka Israel ee Marinka Gaza uu u saameeyay caalamka oo dhan.

Muddada ay Israel weerarada ku hayso dhulka go’doonsan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 34,500 oo qof, halka tirada dadka ku dhaawacmayna ay gaareyso 77,700 oo qof.

Netanyahu ayaa duulaankan iclaamiyay, iyadoo dadka buuxdhaafiyay Rafah ay ka cabanayaan xaalad aad u liidato, ayna soo wajahday cunto xumo, biyo iyo dawo la’aan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker