Faransiiska oo Rwanda u jeediyey inay joojiso taageeradda ay siiso fallaagada ka dagaalanta dalka dariska la ah

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa ku booriyay Rwanda inay “joojiso taageerada ay siiso” fallaagada M23 ee dhibaatada ka wada bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Hadalkan ayuu Emmanuel Macron, ka sheegay mar ay shir jaraa’id wada qabanayeen madaxweynaha DR Congo, Felix Tshisekedi oo booqasho ku jooga Paris.

Mr Macron aya yiri: “Rwanda waa inay joojisaa taageerada ay siiso M23, ayna kala baxdo ciidamadeeda dhulka Congo.

Rwanda ayaa marar badan oo hore beenisay inay taageerto fallaagada M23 ee ka dagaalanta gudaha dalka Congo.

Bishii Maarso ee la soo dhaafay, mar la weydiiyay inuu cambaareeyo taageerada la sheegay in Rwanda ay siiso fallaagada, Macron wuxuu sheegay inuu “aad u caddeeyey cambaareynta M23 iyo kuwa taageersan”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker