Bisha Ramadaan Ilaahay Dembigeen ha dhaafo, Muuse Biixi & Taliyaha Booliisku Kol hadii Buur-Madaw & Suldaan Cunaaye loo xidhey, Dembiyo qaranka , waa in Cali Gurey ka ugu af xun ugu Kibirka & Awooda sheegtana la xidhaa, hadii kale Labada kala hala sii daayo.

boqor Buur-madaw wuxuu ahaa ee uu ku mutaystey Xadhiga, had & jeer wux-
uu u hadli jirey, inuu cid kasta ka aqoon badan yahay, siduu doono u hadlo oo ugu hanjbao Reeraha S/Land inaanay cidi gaadhi karin Reerkiisa, oo u odhan
jirey anaga hadaanu H/Jeclo nahay cidi nama gaadho, cidi nagama daba had-
asho, isagoo Siilaanyo ayaanu isku reer nahay, oo awooda aanu dawlada ku
leenahay cidi wax igama qaadi karto, ilaa uu Butland kaga baanay Muusaha
Cusub haka soo noqdo Xuduudka oo ciidamada haka soo qaado.
Bal Hadaba, Buur-madaw Sharcigii & awoodii & kibirkii uu ku faanayey waataa
abaalkiisii la mariyey ee Jeelka uu ku jiro, welibana inaan la cafiyi weeyaan oo
uu sidaa u xidhnaado, waayo Dagaalka Ceel afweyne waa Ninkii hurinnayey ayuu ka mid yahay.
sidaas Darteed, waxa kale oo la soo xidhey Suldaan cunaaye, oo Dagaalka Ceel-afweyn maxaad uga hadashadey loo soo qabtey, Hadaba, Cali Gurey ka
aflaago xun, oo ku faana hadaanu nahay H/awal, ama Sacad Muuse hadii Muuse Biixi aad dooran weydaan weligiin cidi idin dooran mayso, oo waa laydin gumaysan, oo Berbera & Saaxil dagaal ayaan ka ridi Tv,yada kala haa oo
intaa Aflagaado & Cay Warbaahinta la taagan, oo hore kolkuu Siilaanyo Caayi
jirey ugu faanay aniga cidi i xidhi mayso, oo Siilaanyo kuma dhaco inuu i xidho
imikana isku halayn Muuse ayaa isku reer tihiin wuxuu doono ku hadla.
Waa in Sharciga Buur-Madaw Xidhay, ee uldaan Cunaaye xidhay, uu soo xidhaa
Cali Gurey, oo Maalin kasta cay & Aflagaado la taagan, oo uu soo xidhaa Suldaankii Hubka Baabuurta u raray Ceel Afweyn, ee inta la xidhay isaga &
ubkiisaba la sii daayey.
Kolkaa Sharcigu Odayada hawada xidho, oo hawada xukumo, waa Buur-Mad-
aw, Suldaan, Cunaaye, Cali Gurey, & Suldaankii hubka lagu qabtey, oo isagu
Dhiiga Shacabka Hubka u rarayey.
Waa Bil Ramadaan, ee Runta in la sheeo ma xumo, Dembigeena Ilaahay Ha
dhaafo.
Wabilaahi awfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker