Madaxweyne Emmanuel Macron Uu Tijaabo ii isku Sameeyey Ku Ogaaday inuu Qabo Xanuunka Coronavirus.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in madaxweyne Emmanuel Macron uu tijaabo ii isku sameeyey ku ogaaday inuu ku dhacay xanuunka coronavirus.
Dawladdu waxay sheegtay in Macron uu is go’doomin doono muddo 7 maalmood ah, iyadoo la raacayo qawaaniinta u degsan dalka, islamarkaana uu shaqada iyo howlaha sii wadi doona isagoo aan xafiis tagin.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku biiray liiska madaxda dawladaha iyo dalalka adduunka ee uu ku dhacay COVID-19, oo ay ku jiraan ra’iisal wasaaraha Britain Boris Johnson iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ku dhawaaqay Arbacadii inay koox cilmi baadhayaal ah u dirayaan dalka Shiinaha toddobaadka ugu horeeya ee bisha January si ay u baaraan asalka cudurka coronavirus ee horseeday aafada adduunka oo ilaa iyo hadda ay ku dhinteen in ka badan 1.6 milyan oo qof, oo ka kid ah guud ahaan 74 milyan oo qof oo laga helay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker