Ciidamada Milatariga Somalia oo sheegtay inay Laayeen Saraakiil ka Tirsan Ururka Alshabaab
Marka (OWN) – Ciidamada dalka Somalia ee Danab iyo Gor-Gor oo si wada jir ah u howlgalaya ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay Deegaanada Jilib-Marka iyo Gendershe oo hoos taga degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa saraakiisha Hogaamineysay ciidamadaas waxa ay sheegeen in qorshuhu Yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa dhulka xeebta ee u dhaxeeya Deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho iyo degmada Marka.
Taliyaha guutada 16-aad ee danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabaka Sida u sheegay in ciidamadu intii ay howlgalka ku jireen ay ku dileen laba sarkaal oo Al-Shabaab u Qaabilsanaa Deegaanada xeebta dhaca ee maanta ay ciidamadu la wareegeen.
Taliyahaa ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha laga dilay Al-Shabaab lagu kala magacaabo Xeroow iyo Ciise Yare, haatana ay ku raad joogaan sarkaal kale oo lagu magacaabo Shuceyb Fanax, kaas oo kamid ah hoggaamiyaasha sare ee Al-Shabaab u qaabilsan dhulka xeebta ah.