Alshabaab oo Weerarkii Ugu Cuslaa ku Qaaday Xero ay Ciidamada Kenyanku Leeyihiin Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi

Nairobi (OWN) – Dowladda Kenya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay weerar saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Faafi oo hoostaga magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari.

Weerarka oo ahaa mid culus  waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray dagaal-yahanada Al-Shabaab ee weerarka qaaday iyo ciidamada ammaanka.

 

 

Taliyaha Booliiska gobolka Waqooyi Bari, Runo Bunie oo hadal siiyey warbaahinta ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay u badnaayeen, islamarkaana ay ku hubeysnaayeen bam-baanooyin iyo garnayladda garbaha laga tuuro.

 

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weerarka kadib la waayey hal askari oo ka tirsan Booliiska oo ay haatan baadi goobayaan, halka mid kalena uu dhaawac soo gaadhay.

 

 

Runo Bunie oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ka ciidan ahaan ay bixiyeen dadaallo badan oo lagu sugayo amniga, balse wuxuu shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan.

 

 

“Wax kasta oo karaankeena ah waanu sameynay,balse waxaanu garab uga baahanahay dadweynaha. Weerar noocaan ah ma dhici karo ka warqab la’aantooda,” ayuu yidhi.

 

 

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker