SAMI QABSIGA GOLAHA WAKIILADU MA XAL IYO CADAALAD BAA LAGU RABAA MISE JUJUUB IYO QASAB?

Doorashada Golaha Wakiilada intii aan dalka laga qaban 2005, ayaa dadka qaar ka biyo diiday samiga Golaha Wakiilada loo qoon deeyay. Haddaba, Maxkamda Sare ayaa soo sartay in sami qabsiga Golaha wakiilada ee la isla qaatay uu noqdo mid ku meel gadha, doorashada danbana lagu qaybsado natiijada ka soo baxa diiwan galin dalka laga qaban doono.
Haddaba, go’aanka Maxkamada sare waxaa laga jooga 13 sano, Xukumadihii kala danbayayna way ka gaabiyeen in dalka doorashada Golaha la qabto, diiwan galin laga qabto. Waxaa ahayd in Golaha Wakiiladu, xukuuma ku daba galaan in ay diiwan galin dalka ka samayso. Lakiin ma ah, xubnaha Golaha Wakiilada ee 13 sano xilka hayay, isla markana 9 sano mudo dhaaf ku fadhiyay samiga Golaha Wakiilada ee ay qawadsan yihiin in maanta hadlaan. HADALKU WAA KA XIDHAN YAHAY XUBNAHA GOLAHA WAKIILADA EE HAWSHOODA GABAY.
Somaliland waxaa qabsatay 6 doorasho, marka laga bilaabo doorashada deganka ee 2002 ilaa iyo doorashada Madaxtooyada ee 2017. Doorashooyinkani waxaa ka soo baxay tirada dadka ka codeeyay degmo kasta ama gobalkasta. Waa dhab in doorashooyinka hore ay dadka qaar ay codeeyan mar wax ka badan. Lakiin waxaan qaba in gobalada oo dhan ay ka sinaayeen arintaasi. Teeda kalana, natiijooyinkaasi waxaa lagu doortay, golaha degaan, gole Wakiilo iyo Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeeno, sida daraadeed lama odhan karo waxba lagama soo qadi karo.
Haddaba, qoralkani waxaan doonaya in aan dib u eegid ku sameeyo natiijooyinkii laga helay codadka doorashooyinkaasi iyo waxa uu xalku yahay. Waxaan xisaabiyay (Avg-Median) codadka doorashadii 2002 ilaa 2012. Avg-Median waa tirada dhexda ah. Waxaa ka saaray tirada codadka ee ugu badan iyo kuwa ugu yar doorashooyinkaasi, kadibna waxaan xisaabiyay codka isku celceliska ah, sida aad ku arki doonto table-lada hoose.
Sideedaba, marka dadka codaynaya ayna diiwan gashanayn, dadka qaar ayaa mar wax ka badan codaynaya, natiijada codadka doorashaduna way ka badan yihiin doorashooyinka kale ee la mid ka ah. Teeda kale, marka tirada dad codeeyay ay aad u yar yihiin, waxay cadayn u tahay in wax ka qaldan yihiin sida loo codeeyay doorashada. Marka tirada codadka ee doorasho e saxi ku dhaw waa ta dhexda ah, tarada codadkaasi ayaa ka turjimaysa tira ka codaysay gobalka, sidaa ayaanu tirada codadka ee dhexda ah u qaatay. Sida aad ku arki doonto table-ka hoose.
Haddaba, waxaa xusid midan in degmada Buuhodle ee gobalka Togdheer doorasho ka dhicin, marka natiijada codadka gobalka Togdheer ma aha kuwa ka turjimaya tirad codadka ee gobalka. Tirada codadka ee deganka Buuhoodle waxaan lagu qiyaasi karaa in ay tahay 10% ilaa 20% codadka gobalka Togdheer, ama codadka ay tahay in laga dhiibtay degmada dhigeeda ah ee Oodwayne, ee isku gobalka yihiin. Sida daradeed, waxaan xisaabta ugu darnay 15% codadka gobalka Togdheer.
Sida oo kale, degmada Badhan ee bariga Sanag lagama codayn. Tirada degmooyinkani waxaan lagu qiyaasi karaa in ay tahay 20% ilaa 25% codadka gobalka Sanag. Sida daradeed, waxaan xisaabta ugu darnay 20% codadka gobalka.
Sida oo kale, gobalka Sool, intiisa badana lagama wada codayn marka laga reebo degmada Caynaba. Lakiin, doorashadii deganka ee 2012, iyo doorashada Madaxtooyada 2017oo degmada Las-Caanod laga codeeyay, inkasta oon sida degmooyinka kale looga wada codayn. Sida daradeed, codadka gobalka Sool waxaanu ku qiyaasnay in ay tahay 60% ilaa 80% tirada codadka ka codeeyay. Sida daradeed waxaan xisaabta ugu darnay 80% codadka gobalka Sool doorashada 2002 ilaa 2005. Doorashada Madaxtooyada ee 2010 waxaa ugu darnay 70%. Doorashada Golaha degankana 2012 60%.
Tirada codadka een ugu darnay degmooyinkaasi ma ah mid sax, lakiin waa qiyaas qaadasho (ama estimation). Sida aad ku arki doonto table-ka hoose.
Haddaba, inta aan doorashada Golaha Wakiilada la qaban waa in xal laga gaadho samiga kuraasta Golaha Wakiilada.
Samiya Golaha Wakiilada ay ku fadhiyan waxa lagu saleeyay doorashadii ugu horaysay uguna danbaysay ee Somaliland ka dhaca, 1960-gii. Tirada Golaha Parliament-ka ee wakhtiga waxay ahaayeen 33 xubnood, waxaana lagu dhiftay number (ama factor) 2.5, sida ayaa 82 xubnood ee golaha Wakiilada ku timad. Sida oo kale ayaa gobalkasta xubnaha golaha uga soo baxay loogu dhuftay 2.5. Haddaba, marka laga reebo gobalka Saxil oo laga jaray 2.5 xubnood, looguna daray gobalka Maroodi-Jeex, gobalada kale waxba hal ka yar ayaa loogu kordhiyay ama laga gooyay.
Haddaba, Table-ka hoose waxuu ka turjimayaa samiga Golaha Wakiilada ee hada jira, iyo samiga Golaha Wakiiladu haddii lagu saleeyo doorashooyinka dalka ka dhacay 2002 ilaa 2017-kii, laguna daray qiyaas qaadasho (estimate) deganada doorashooyinku ka dhicin.

 

Table-1: Samiga golaha Wakiilada ku fadhiyan vs Samiga lagu qiyaas qatay dadka codeeyay doorashooyinka
Gobalo Samiga Golaha Parliament 1960 Avg-Median doorashooyinka
2002 -2012 Tirada dadka Codeeyay
Doorashada Madaxtooyada 2017 Tirada dadka Is-diiwangaliyay
Doorashada Madaxtooyada 2017
Saxil 10 Xubnood
2.5 x 5 = 12.5 5 Xubnood 6 Xubnood 6 Xubnood
Awdal 13 Xubnood
2.5 x 5 = 12.5 12 Xubnood 11 Xubnood 11 Xubnood
M/Jeex 20 Xubnood
2.5 x 7 = 17.5 28 Xubnood 28 Xubnood 26 Xubnood
Togdheer 15 Xubnood
2.5 x 6 = 15 17 Xubnood 17 Xubnood 17 Xubnood
Sanag 12 Xubnood
2.5 x 5 = 12.5 11 Xubnood 10 Xubnood 10 Xubnood
Sool 12 Xubnood
2.5 x 5 = 12.5 9 Xubnood 10 Xubnood 12 Xubnood
Total 82 82 82 82

 

 

Table-2: Natiijada dadka codeeyay + lagu daray tirada codadka qiyaas-qatay (estimate) degmooyinka laga codayn & Samiga by Avg-Median.
Gobalo Doorashada G/Deganka
2002 Doorashada Madaxtooyada 2003 Doorashada G/Wakiilada
2005 Doorashada Madaxtooyada 2010 Doorashada G/Deganka 2012 Avg Median codadka Doorashada Samiga
Codadka Kursiga Samiga
Kuraasta
Goblada
Saxil 30,807 30,537 52,479 29,211 54,533 37,941 3,794 6% (5 Xubnood)
Awdal 100,495 65,930 133,020 81,338 114,452 98,762 7,597 15% (12 Xubnood)
M/Jeex 186,383 208,864 253,229 236,651 314,663 232,915 11,646 35% (28 Xubnood)
Togdheer + Est (+15% ayaan codayn) Est (76,588)
(+15% codayn ) Est (132,324)
(+15% codayn) Est (140,014)
(+15% codayn) Est (128,401)
(+15% codayn) Est (184,529)
(+15% codayn) 133,580 8,905 20% (17 Xubnood)
Sanag*+ Estimate (+20% ayaan codayn) Est (66,370)
(+20% codayn) Est (72,422)
(+20% codayn) Est (111,608)
(+20% codayn) Est (73,144)
(+20% codayn) Est (143,303)
(+20% codayn) 85,725 7,144 13% (11 Xubnood)
Sool * + Estimate (+80% ayaan codayn) Est (31,330)
(+80% codayn) Est (48,510)
(+80% codayn) Est (102,785)
(+80% codayn) Est (69,593)
(+70% codayn) Est (123,458)
(+60% codayn) 73,629 6,136 11% (9 Xubnood)
Total 491,973 558,587
793,135
618,388 934,938 662,552 7,629 82 Xubnood

 

 

Table-3 Natiijada dadka dalka ka codeeyay & dadka Is-diiwan galiyay doorashada Madaxtooyada 2017 kii
Gobal Dadka
Codeeyay Estimate +
dadcoday Samiga
Codadka Kursiga Samiga codadka G/Wiilada Dadka is diiwan galiyay (Lakiin Codayn) Estimate +
dadcoday Samiga
Codadka Kursiga Samiga Kursiga G/Wakiilada
AWDAL 81,436 81,436 6,264 13% Ama
(11 Xubnood) 102,571 102,571 6,264 13% Ama
(11 Xubnood)
Borama 52,916 52,916 64,160 64,160
Saylac 9,903 9,903 14,553 14,553
Lughaya 7,686 7,686 11,823 11,823
Baki 10,931 10,931 12,035 12,035
MAROODI JEEX 217,230 217,230 10,862 35% Ama
(28 Xubnood) 249,229 249,229 10,862 32% Ama
(26 Xubnood)
Hargeysa 157,977 157,977 179,328 179,328
Gabiley 41,507 41,507 46,143 46,143
Bali-Gubadle 9,110 9,110 11,623 11,623
Salaxley 8,636 8,636 12,135 12,135
SAAXIL 48,535 48,535 4,854 8% Ama
(6 Xubnood) 60,817 60,817 8% Ama
(6 Xubnood)
Berbera 36,883 36,883 47,740 47,740
Sheekh 11,652 11,652 13,077 13,077
TOGDHEER 120,637 Est (128,532) 8,569 21% Ama
(17 Xubnood) 147,440 Est (159,251) 10,617 21% Ama
(17 Xubnood)
Burco 97,442 97,442 118,411 118,411
Oodwayne 17,932 17,932 21,155 21,155
Buuhoodle Estimate
(60% ayaan codayn) 5,263 Est (13,158) 7,874 Est (19,685)
SOOL 40,298 Est ( 75,952 ) 6,329 12% Ama
(10 Xubnood) 63,698 Est (111,052) 9,254 14% Ama
(12 Xubnood)
Las Canood Estimate (50% ayaan codayn) 14,598 Est (29,196) 23,022 Est (46,044)
Caynaba 20,436 20,436 30,251 30,251
Xudun
Estimate (80% ayaan codayn) 2,910 Est (14,550) 5,302 Est (17,680)
Taleex
Estimate(80% ayaan codayn) 2,354 Est (11,770) 5,123 Est (17,077)
SANAAG 57,481 Est ( 73,578 ) 6,132 12% Ama
(10 Xubnood) 80,443 Est (90,325) 7,527 12% Ama
(10 Xubnood)
Ceerigabo 34,080 34,080 45,798 45,798
Ceel-Afwayn 12,662 12,662 17,945 17,945
Gar Adag 8,937 8,937 12,465 12,465
Badhan
Estimate (90% ayaan codayn) 1,798 Est (17,899) 4,235 Est (14,117)

Total 565,617 625,263 82 Xubnood 704,198 773,245 82 Xubnood

 

 

Somaliland waxa ay qaadatay habka dimuqradiga ah, habkani oo ku salaysan Hal-Qof iyo Hal-Cod (ama One-Man One-Vote). Haddaba, qofkasta oo Somaliland waa isku xaq qofna qof kama fiicna. Marka dalka diiwan galin laga qabto ayaa gobalkasta heli karaa samiga Golaha Wakiilada ee uu xaqa u leeyahay.
Sida daraadeed, doorashada Golaha Wakiilada ka hor waa in aynu isla qaadano sami Golaha Wakiilada oo gobalkasta ka turjimaysa dadka ka codaynaya ama dadka ku nool. Haddaba, iyada oo fikirkaasi laga duulayo waa in lagu heshiiyo sami KU-DHAW mida hada lagu fadhiyo. Haddii, samiga la badalayana waa in lagu saleeyo natiijooyinka doorashooyinka dalka ka dhacay.
Haddaba, haddii taa lagu heshiin wayo, marka waa in diiwan galinta codbixinta loo ogalaado dadkii aaan hore kardhka codbixinta u qaadan, isla markana labadan mid lagu heshiiyo:
In samiga Golaha Wakiilada aan gobalo lagu qaybsan, lakiin 82 xubnood ee ugu codka badan dalka ay noqdan Golaha wakiilada. Isla markaana, xaqooda meel loo dhigo degmooyinka ama gobalada Bariga ee doorashada sida fiican uga dhicin.
In la cayimo tirada codadka golaha wakiilada ku soo bixi karaan, isla marka la tix galinayo Gobalada Bariga een doorashada sida fiican uga qayb galaynin.
Tusaale: Tirada codadka ee qofku Golaha Wakiilada ku noqonayo waa in laga dhigo 5000 cod.
Haddaba, haddii tirada musharaxiinta Golaha Wakiilada ee 5000 cod haysta ay gadhi wayan 82 xubnood, waa in la qaato xubinta/xubnaha codadka helan ku dhaw yihiin 5000 oo cod.
Haddii xubnaha u tartamaya Golaha Wakiilada ee 5000 cod haysta ay ka batan 82 xubnood, waa in tirada guud ee Golaha Wakiilada laga kordhiyo 82.
Gaba gabadii, waxaan meelaha ku arkayay dad samiyo malo awaala soo qora, ama dad iska hadla oo yidhaa waa in Beelo darafyada iyo Beelaha dhexe tiro is leg lagu qaybsado. Haddaba, qofku marka uu hadlayo ama wax qorayo waa in aanu iska hadlin ee uu hadalkiisa xaqiiq (ama facts) ku saleeyo. Dhamaanteen waa in ay raadino runta iyo cadaalad. Cadaalada ayaa dadka oo dhan deeqda. Haddaba, marka aad adigu cadaalad rabtid, waa in aad walaalkana u ogashahay xaqiisa. Haddii aynu wanaaga wax ku rabno waxba ma xumaanayaan. Lakiin, qasab iyo jujuub cidna wax ku heli mayso.

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!
OMAR ABDI YOUSUF
OAKLAND, CALIFONIA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker