Maamulaha Guud Ee Shirkadaha Dahabshiil Oo Ugu Ballanqaaday War Farxad Galinayaa Dhallinyarada Iyo Haweenka

Daahfurkii barnaamijka oo ka dhacay Hotel Ambassador, waxa xadhigga ka jaray safiirka dawladda Sweden H.E. Andreas von Uexkull. Dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland waxa ku weheliyey Wasiir-ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda Liibaan Osman, Wasiir-ku-Xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo hormarinta, Eng. Hussein Ibrahim Buuni, Agaasimaha Guud ee Maalgashiga, Ahmed Abokor, Agaasimaha Guud ee Ganacsiga Osman Hussein Warsame, Guddoomiyaha Baanka Dhexe Maxamed Cabdi Ibraahim Agaasimaha Guud ee Baanka Abdullahi Hassan iyo madax kale
“Barnaamijkani waxa uu soo kordhinayaa hilimo ama hiigsi cusub oo u sahlaya hay’adaha maaliyadeed sidii ay u sii ballaadhin lahaayeen amaah-bixinta ay sameeyaan, isaga oo horseedi doona inay furmaan suuqyo iyo fursado ganacsi ooh or leh,” ayuu yidhi Danjiraha Dawladda Sweden mudane Andreas von Uexkull.
Dhammaaan madaxdii meteleysey dawladda, ururrada bulshada iyo ganacsatada ee madasha ka soo qayb galay waxa ay soo dhoweeyeen barnaamijkan oo ay ku tilmaameen mid kaalin muuqata ka qaadan doona kor-soo-qaadida bulshada inteeda u badan oo ah dhallinyarada iyo haweenka, gaar ahaan kuwooda hanka ganacsi iyo wax curineed.
Barnaamijku waxa uu daaha uga faydayaa ganacsiyada yaryar iyo kuwa heerka dhexe ee aan heli Karin fursado maaliyadeed oo kobciya. Barnaamijku waxa uu, gaar ahaan, soo dhoweynayaa haweenka iyo dhallinyarada iyo ganacsatada haddaba ku dhex jira hawshaas. Sweden iyo qurbajoogta Soomaalidu waxa ay door muuqda ka qaataan dib-u-soo-kabashada iyada oo ay abuureen fursado kaaba nolosha, waxbarashada iyo caafimaadka iyo helitaanka raasamaal lagu dhaqangeliyo maalgelin. Xidhiidhka sii tamaraysanaya ee labada dhinac, oo ay ka mid tahay koritaanka maalgashi ee ganacsiga gaar loo leeyahay, waxa uu sii xoojinayaa oo dhiirrigelinayaa in hay’adda SIDA si qoto dheer ugu gonda-degto horumarinta adeegyada maaliyadeed iyada oo maanka lagu hayo sidii loo yarayn lahaa ama loo suulin lahaa saboolnimada iyo faqriga, dibna looga soo kaban lahaa. Wakaaladda SIDA, ee barnaamijkan suurtagelisey, waa hay’ad ay leedahay dawladda Sweden kana wakiil ah dawladda iyo baarlamaankeeda, ujeedada loo aasaasayna tahay yaraynta saboolnimada ka jirta dunida. Iyada oo la kaashanaysa hay’ado iyo dawlado kale, SIDA waxa ay fulisaa siyaasadda dawladda Sweden ka leedahay horumarinta caalamka, iyada oo istaraatajiyadeedu tahay inay dadka saboolka ka gargaarto sidii ay noloshooda u horumarin lahaayeen. SIDA waxa ay iskaashi horumarineed la leedahay 33 dal oo ku kala yaalla Afrika, Asia, Europe iyo Koonfurta America. SIDA waxa ka hawl gala ilaa 700 hawlwadeen oo ku kala sugan saddex xafiis oo ay ku leedahay hay’addu gudaha dalka Sweden iyo waddamada iskaashigu ka dhexeeyoba.
Istaraatajiyaddu hay’addu ka leedahay iskaashigeeda dhinaca Soomaalidu waxa uu ku wajahan yahay maaraynta xasaradaha, horumarinta dimuqraadiyadda, xuquuqal insaanka iyo shaqo-abuurka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker