Ciidanka Booliska Somaliland oo War Cusub Soo Saaray

Sidaa la socotaan waxa lagu jiraa xilli roobaad , iyadoo la sadaalinaayo raxmad badan oo keeni kara waxyeellooyin laga taxadari karo , Haddaba Waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan goballada , degmooyinka iyo miyigaba ina ay ka fogaadaan goobaha Dooxyada , Laagaha , Biraha laydhka iyo guud ahaan meelaha Biyo-mareenada ah. Sidoo kale waxaannu faraynaa wadayaasha Gaaddiidka ina ay taxadar badan muujiyaan xawaaraha gaaddiidkana dhimaan iyagoo qadanaaya awaamiirta Ciidanka Nabadgalyadu Waddooyinka ( Traffic) .
Ciidanka Boolisku waxa uu u taaganyahay ilaalinta Diinta , Nabadda , Maalka iyo Nafta muwaadiniinta JSL .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker