BAAQ NABADEED By: eng xasan abdi kabadhe

Nabaddu waa bar bilowga badhaadhaha iyo liibaanta nololeed, waana aasaaska uu ka unkamo horumarka iyo isbedelka tolmoon ee ummadi samayso. Nabadda iyo nolosha waa laba isku sidkan

Rabbi isku lamaaneeyay, waana wax aan suurto gal ahayn in nolol la helo haddii nabaddu meesha ka baxdo.

Nabaddu waa udub dhexaadka kawnkan aynu ku nool nahay, waana tiir haddii la waayo ay dhammaan laamaha kale ee noloshu wada dumayaan. Shareecada Islaamka waxay isku lamaanaysay “Amniga iyo Iimaanka” iyada oo weliba lasoo hor mariyay Amniga. Ilaahay cibaadadiisa oo ah waxa ugu weyn ee Jinka iyo Insiga loo abuuray ayuu ilaahay ag dhigay nabadgalyada iyo degenaanshiiyaha. Taasi ayaa ku cadaynaysa qiimaha ay nabaddu ku leedahay Ilaahay agtiisa. Waakii Nebi Ibraahim (CS) markii uu dhulka barakaysan ee Xaramka u ducaynayay lahaa: “Ilaahayoow dhulkan waxaad ka yeeshaa mid degan oo nabad ah “

Nabad waarta oo aynu helnaa waxay inooga baahan tahay; isku soo dhaweynta iyo midaynta hab-fikirka bulshada, jihaynta iyo hagidda dadkeena. Umaddu hadaanay helin hogaan horkaca oo hormuud u noqda way iska wada hor iyo daba imanayaan waxaana ku dhacaya kala furfur iyo kala fogaansho ummadeed.

Bulshada Somaliland waxay kasoo gudubtay marxalado kala duwan oo mid walba waayaheeda lahayd, xaalad kastana laga soo qaatay waayo aragnimo iyo casharo nololeed ku filan qofka walba

soo joogay iyo cidwalba oo taariikhda dib u dhugatay. Maanta oo laga soo doogay qaxii iyo qalalaasihii aafeeyey dadkeena, dalka intiisa badanna degenaansho iyo nolol wanaagsani ka jirto, maaha in qorigu inoo gooyo waxa aynu tabano ee waa in caqliga lagu baadi doono waxii la tabanayo.

Mustaqbalka jiilka danbe ee dalkan usoo kacaya waxa uu inooga baahan yahay in aynu u wada halgano dhisitaanka ummad midaysan oo han iyo himilo hogaamisa leh. Haddii Aabo yaasheen inagu soo simeen dal xasiloon oo nabad iyo degenaanshiiyo leh, innakuna waa in aynnu ubadkeena u dhisno nolol sareedo leh iyo mustaqbal ifaaya.

Hadaba ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha umaddu waxay u baahan tahay in guntiga loo wada giijisto, xilna la iska wada saaro dhawridda xasiloonideena iyo dhisidda masiirkeena umadeed. Qof kasta oo reer Somaliland waa in uu ku baraarugsanaadaa in waxa aynu wada leenahay oo ah dalkan (Somaliland) uu ka wayn yahay doonistiisa, wada jirkeena iyo ummadnimadeena ayaa ka weyn waxa aynu isku hayno. Waatii xigmadda soomaaliyeed ahayd “Nabad baa naas la nuugo leh”.
Maansadda Ansaraar oo ah maanso aan kaga hadlayo nolosheena: waana tan ee dhugasho wacan:

Allahii na abuurayee

Abaaraha naga doojayee

Ibaha caano ka keenayoow

Adaan kuu andacoodee

Ducada iga ajiib.

Ananoow iyo beeniyo

Aanada iyo qabiilka

Iblayskaa ku shaqaystee

Ilaahoow naga saar.

Adduunkaanu ku noolnay

Aakhiraa ka balaadhane

Ilaahoow na badbaadi.

Ilaahay baryadiisa

Intaa aynu ku dhaafnee

Aadmigaan la hadlaayoow

Midna yaan la ilaawin.

Arwaaxaa dhimanaaya

Allah ha u naxariistee

Asbaabtaa tan ah mooyee

Saacaddaa ka idlaatay

 

 

 

muhiimadda nabad galyadu u leedahay

Oo mawdkaa soo galay Aanoo

Iblayskaa ka shaqeeyey.

Ibtilaaga dhacaayiyo

Ansaraar iyo qaylo

Aqoontoon fidsanayniyo

Aafadaa jahligaa leh.

Aadmigaan la hadlaayoow

Midna yaan la ilaawin

Aayaadka Quraankiyo

Axaadiista rasuulka (SCW)

Allahii inna uumaa

Ku ilaashay nafteenoo

Aadmigaa ku badbaadee

Itibaac la yimaada.

Aadmigaan la hadlaayoow

Midna yaan la ilaawin

Nabadaa arligoo dhan

Intifaac u samaysoo

Aqoontay kobcisaaye

Aadmigaa hadhsanaaye

Taana yaan la ilaawin.

 

 

Waxa qoray Eng: Waxa diyaariyey: Xasan Cabdi Kabadhe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker