Askariga Somaliland

Sannad kasta inta lagu jirro mar ayaan ciddaanka iyo askarta somaliland qallinka ku soo booqdaa,waxaan ka mid ahey kuwa ugu jecel uguna tixgelinta badan inta direyska iyo dharka askarta xidhan.Asxaab iyo dad badan oo dharka askarta u xidhan in ay bulshaddooda ugu addeegaan ayaanu saaxiib nahay,mana dhaafo askari kasta oo meel u socda,waxaana maqaalkan fikirkiisu maskaxdeyda ku dhashey maalmo dhaweyd oo aan wakhtiyo kala duwan askar ka soo qaadey meelo kala durugsan oo aan maraayey. 

“Sannad kasta muddooyinkii ugu danbeeyey ardey badan oo dalkeena ah ayaa dooraneysey ciiddanka oo ciiddanku diranaayey,kuwaasi oo waxbarasho jaamacaddeed iyo tababar ciiddan isla hellaayey ka dib imtixaan ay u galleen fursadaasi,iyagoo jaceyl u qaadey dharka askarta,xerooyinka ciiddanka iyo dhismayaasha aadka loo illaaliyo ee ciidanka. 

dhallinyarta kala duwan ee ka soo safraaya gobollada kala duwan ee dalkeena ee u soo baxaya sidii ay ciiddan u noqon lahaayeen loona qori lahaa si loogu darro kuwa qorriga sida,fursad boos askaranimana u arka wax qiimo leh ayaa maalin kasta ku biiraya dugsiyada iyo xerooyinka tababarka ciidaanka,dugsiga tababarka shaqo qaran ayaa loo dirayaa,mandheera ayaa loo qaadaya,si ay ugu midoobaan dunnida askarinimada,wuxuuna ku arki doonnaa dugsiyadaasi kuwo kale oo ciidanka raba si uu u ogaado in aanu keli  ku aheyn. 

 Wiilkeena iyo inanteeda askarinimo rabtaa habeeno iyo maalmo ayey u soo socdeen sidi ay dalka ciiddan ugu noqon lahaayeen,iyaga oo ka soo safrey gobolkoodi una socda dugsiyadda tababarka ciiddanka.wey ku adkeyd in reerahooda  ay u sheegaan in ay ciiddanka ka mid noqonayaan,shandadahoodana loo xidh-xidho,lo sii duceeyo lana macasalaameeyo.”sawir aan arkey marka ardeyda loo raraayo itoobiya iyo darar-weyne dareenkeyga si weyn ayuu u taabtey”.Dhallinyartii ugu quruxda iyo xoogga badneyd oo diyaar ah in ay dhiggooda bixiyaan. 

nolosha askartu waa mid iska jaban,kuwa iska bixiyey kabaha iyo dharka ciidankuna nolosha ugu fuddud una janjeedha danyarnimada  ayey ku jiraan.boggana waxey ku qaboojiyaan “Taliye,Sarkaal,Askari“.iyo ixtiraamka ciidanka kala duwan dhex yaalla ee leh nolosha isku furan ee ka dhigtey dhammaantooda qoys qudha.

indhahayagu wey ilmeeyaan markaad socodka gaardiska ah ku  soo martaan maalinta xornimada dalka,waanu idinku faraxnaa markaa tababarka la idin soo xidhaayo ee dharka calanka qaranka la idinku hagoogo.Askari Illaali sharafta direyska,Askari illaali xuquuqda muwaadinka iyo karaamada shaqadaada,ku mahadsanid in aad dhiggaaga noogu deeqdey. 

Abdifataah M.Ahmed 

Ceelaabe_10@hotmail.com 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker