Tayo Xumada Daawooyinka oo baabiyay Dadka ku Nool Qaaradda Africa

Khubaro ku takhusay arimaha caafimaadka ayaa BBC-da u sheegay in dalalka Afrika ee dhaqaalahoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka yahay ay lacag aad u badan ay ku bixiyaan dawooyin wax tarkoodu liito.

Wadamada ay ka midka yihiin Zambia, Senegal iyo Tunisia ayaa dawooyinka maalin kasta dadku isticmaali karaan sida Paracetamol-ku ay 30 goor ka qaalisan yihiin qiimaha ay ka taaganyihiin Ingiriiska iyo Maraykanka.

Suuqyada dawooyinka dalalka saboolka ah “lama ba xakameeyo” ayey tidhi Kalipso Chalkidou oo ka tirsan urur ka shaqeeya horumarka dunida oo la yidhaa Centre for Global Development.

Waxa tidhi “tartankii ganacsigu wuu xannibanyahay” sababtuna waxa weeyi “soo dejinta ama samaynta dawooyinka oo in yar gacanta ugu jira”.

 

Chalkidou oo ah agaasimaha siyaasadda daryeelka caafimaadka ee ururkaas, ayaa waxay ka mid ahayd khubaro qortay warbixin ku saabsan ganacsiga dawooyinka, waxaanu nuxurka warbixintaasi yahay in dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo ama meel dhexaadka yahay ay dawooyin kooban soo iibsadaan, taasina keento tartanka, xakamaynta iyo tayada oo liidata.

Waxay warbixintu sheegtay in dalalka hodanka ahi, maadaama oo ay dawladuhu lacagta bixyaan habka lagu xusho tayada dawooyinkuna yahay mid adag, ay u suurto gasho in ay dawooyinka sicir jaban ku helaan.

Dalalka saboolka ah ayaa dawladuhu waxay had iyo goor soo iibsadaan dawooyin aad u qaali ah, halkii ay ka doonan lahaayeen dawooyin aan qaali ahayn oo 85% laga helo suuqyada Ingiriiska iyo Maraykanka.

Dalalka aadka u saboolka ah ee deeq bixiyeyaashu u soo iibiyaan dawooyinka ayaanay dhibaatadani haysan, qiimaha dawooyinka adoon dhakhtar kuu qorin la iibsan karaana aad ayey u jaban yihiin.

Wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka yahay “ayaan awood badan oo ay kaga gorgortamaan qiime dhimis iyo tayada dawada aan lahayn”. Waxaana intaa dheer kharash kale oo fuula oo ay ka dhasha cashuuraha iyo musuqa.

Waxay sheegtay in xeerarka aan adkayni sababayaan tayda dawooyinku noqoto mid liidata.

“Hadii aan xeerar jirin, dadku waxay is odhanayaan dawooyinkani ma shaqaynayaan, markaas ayey lacag badan ku bixinayaan dawooyin ay is leeyihiin wax bay idiin tarayaan oo aan qudhooduna waxba tarayn.” Ayay tidhi Chalkidou.

Warbixintu waxya ku talo bixinaysaa in la helo iskaashi dheeraad ah oo dunidu yeelato iyo in dib loo habeeyo hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo sidoo kale in la tayeeyo siyaasadaha iyo hab dhaqanka wax iibsiga ee dalalkaas lasoo sheegay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker