“Hargeysa Ehlu Janno iyo Ehlu Naar Ma Kala Laha” ~ Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilahi

Hargeysa (OWN)- Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa shacabka Caasimadda ku ammaanay wada-shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin Dowladda Hoose ee Caasimadda.

Xildhibaan Jamaal Cismaan oo hadal ka jeediyey munaasibad Xalay xadhigga lagaga jaray Dhismaha Xarunta Cusub ee maamulka Degmada Maxamed Mooge, waxa uu sheegay inay xildhibaannada Goluhu u midaysan yihiin horumarinta Caasimadda iyo kor-u-qaadista kaabayaasha Dhaqaalaha si caasimadda Somaliland ula tartanto Caasimadaha dhiggeeda ah ee Dunida.

Xildhibaanku wuxuu sheegay inay gole ahaan meel iska dhigeen kala duwanaanshaha Afkaarta siyaasadeed ee Xisbiyadii ay ka soo baxeen, go’aansadeenna inay daacadnimo iyo karti u gutaan waajibaadka Shaqo ee Shacabka Caasimaddu u doorteen.

Muuqaalka Hoose Kaga Bogo Weedhihii xildhibaanku ka jeediyey munaasibaddii xalay xadhigga lagaga jaray dhismaha cusub ee Xarunta Maamullka degmada Maxamed Mooge ee caasimadda Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker