Kuwii Mudnaa Ayaa La Muuneeyey ! Qore: Cumar M. Faarax

“Aan kuu sheegee Shaqaaluhu waa
Sharaftii dhulka Sharraxaysay
Waa kuwa Shiida Camuuddee
Kala Shubayee ka soo shaandheeya Macdantee
Kala Shiilee u shintiriyee Inba meel ku shirabayee” Hees.

 

Donald Rumsfeld oo laba jeer Wasiirka Gaashaan-dhigga ka noqday Maraykanka oo duruufo adag ku soo mareen xafiiska ayaa shaqada dawladda ku sifeeyey “Wakhtiga aad ku jirto shaqadda qaranka waxay noqon kartaa xiliyada ugu caqabadaha badan, uguna xiisaha badan noloshaada.”

4tii Bishan Sepptember 2019, waxa dhacay wax weyn oo aan beryahaas maskaxdaba lagu haynin Wasaaradda Warfaafinta dhexdeeda. Waxa la abaalmariyey afar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Waraafinta, Dhaqanka iyo Wacygelinta, kuwaas oo lagu aqoonsaday inay si daacad ah uga soo baxeen hawshooda.

Waa afar qof oo aan galaan-gal u laheyn , loogana baran inay xafiisyada madaxda codkooda gaadhsiiyaan, taasina waxay keentay in dhammaan shaqaalaha Wasaaraddu qiraan waxqabadka afartaas qof oo muddo lix bilood ah sawirradoodu sudhnaan doonaan boodh weyn oo looga asteeyey Wasaaradda dhexdeeda.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye iyo Agaasimihiisa Guud Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa afarta hawlwadeen ku guddoon siiyey shahaado sharaf madal shaqaaluhu goobjoog ka ahaayeen, waxana loogu daray min hal milyan oo shilin.

Sidiiq Ismaaciil Axmed: Wuxuu ALLE ku guuleeyey inuu ciladsaaro war-laliyihii TV-ga Qaranka ee laga daawan jiray Hargeysa iyo nawaaxigeeda, oo ku dhawaad sannad iyo badh hawadda ka maqnaa. Wuxuu dedaalkiisu tusmaynayaa in maskaxda shaqaalaha oo la dhiirigeliyaa ay ka wanaagsan tahay in la aaminno khubarro shisheeye ah oo dalka ku yimaada lacag adag. Waxaannu qaranka u baajiyey Kumanaan doolar oo ay lagu soo iibin lahaa warlaliye cusub. Sidaas darteed, wuxuu noqday geesi qaran oo guul u soo hooyey xafiiskiisa iyo dalkiisaba, waxaanay tallaabadiisu halbeeg u tahay aqoonta aan hore looga warqabin ee ku jirta da’yarta Wasaaradda.

Aamin Ibraahim Maxamed: Waxay ka mid tahay hablaha shaqaale hoosaadka Wasaaradda, waxaanay ku sifowday aaminimo iyo daacadnimo. Waxay wasaaradda u karisaa shaaha, waxaanay si aan wahsi laheyn uga qayb qaadataa hawl kasta oo wasaaraddu leedahay, iyadoo shaqada dhex joogta in ka badan 8-da saacadood ee sharcigu jideeyey.
Axmed Ismaaciil Xasan oo loo garan ogyahay Bucul: Waa nin Alle u soo diray Wasaaradda, waxaanu qabtaa shaqo kasta uu indhaha saaro iyo baylah kasta oo xooggiisa looga baahan yahay.

Shaqadiisu waa weriye, hase ahaatee wuxuu ALLE u diray Beerta Wasaaradda oo uu mar walba ku dhex jiro oo uu si iskii ah iskugu waajibiyey baaq-baaqeeda. Mararka qaarkood waxaad arkaysaa isagoo Gaadiidka ku dhex ciladooba wasaaradda dhexdiisa ku hoos jira. Waa nin xoogiisa aan hagran. Waxaanu hormuud u yahay dadka is dira ee aan loo dirin hawlaha. Wuxuu yaqaanaa luuqada Carabiga,waxaannu soo turjumi jiray wararka iyo barnaamijyada carabiga ah, waxaanu saxaafadda ka soo galay Telefishankii Somaliland Space Channel oo ahaa Muuq-baahiyihii u horreeyey ee Somaliland laga furay 1998kii. Wuxuu ii sheegay inuu mar sii horreysay ahaa askari ka tirsan Guutadii koowaad ee Ciidanka qaranka oo uu markii dambena u noqday kaaliye caafimaad, maadaama oo yaqaanay gargaarka degdega ah.

 

Caydaruus Cismaan Axmed: Waa nin shaqaale ah oo niyadsan isla markaana hawl-kar ah oo ka adag waajibkisa mucayinka ah. Aad ayey u yar tahay maalin aanu keenin war ama laba xafiiska, muddo sannad iyo Toddoba bilood ah oo aan madax ugu ahaa Waaxda Wakaaladda Wararka ee SOLNA oo uu ka shaqeynayey ilaa sagaal sannadood.
Dedaalka shaqada wuxuu ku darsaday dhawrsanaan iyo asluub uu ALLE ku manaystay oo ay kala siman yihiin saddexda qof eel ala abaalmariyey. Wuxuu la kaftamaa dadka inta ay is sheeko bartaan oo kaliya.

Marka uu 12ka duhurnimo ka soo rawaxo Goleyaasha Baarlamaanka oo uu ku qoran yahay isla markaana uu warkooda si joogto ah u keeno xafiiska ayuu nagula kaftaa odhaah uu ku soo celceliyo oo ah “Qaranka ha loo shaqeeyo ee yaan laga shaqeysan.”

Markaan arkay dedaalkiisa,ayaan si maalinle ah ugu mahad celiyaa Karidiisa ku dayashada mudan iyo hawlkarnimadda uu hormuudka ugu yahay hawlwadeennada waaxda, markay noqoto war doonista. Dhiirigelinta iyo u mahadnaqu waa hantida kaliya ee aanan kala bakhaylin shaqaalahayga, intooda u hagar baxda shaqadda.
Gabogebo:
Abaalmarintan oo bilowgeedu si wax ool ah u tisqaaday isla markaana lagu muuneeyey kuwii Mudnaa, ayaa ah fikir saliim ah oo loo guuxay, laguna kasbaday niyada shaqaalaha oo tabayey muddo dheer in la aqoonsado waxqabadkooda, gaar ahaan kuwa ku sifoobay “Karti iyo Masuuliyad.”

Waxa ammaan mudan madaxda Wasaaradda oo ballan qaaday inay abaalmarintani noqon doonto mid sannadkiiba laba jeer ay qaadan doonaan afar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda ee la yimaada dedaal iyo hal-abuurnimo gaar ah.

Sidoo kalena, waxa Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ay soo kordhiyeen fursado naadir ah oo aan hore uga dhicin wasaaradda, waxaanay barnaamijyada Idaacadda iyo Telefishanka Qaranka ku bixiyaan lacago loogu talogalay in lagu soo sameeyo barnaamijyo tayo leh, taasi oo ah fursad kale oo shaqaalaha waxtar u noqon doonta haddii la sii joogteeyo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker