Ganacsade Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika.

Wararka ka imanaya dalka Konfur Afrika ayaa sheegaya in Burcad Koofur Afrikaan ah ay xalay muwaadin Soomaaliyeed ku dileen magaalada Port Elizabethe ee dalka Koofur Afrika.

 

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim ayaa waxaa toogtay Koox Burcad ah, waxaana la sheegay in la dilay xilli uu saarnaa gaadhi yar, xilli uu ku sii jeeday goobtiisa ganacsiga.

 

Booliska Koofur Afrika ayaa waxaa ay baadhitaan ku wadaan sida uu u dhacay falka, islamarkaana ay wax ka qaban doonaan dilalka loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed.

 

Dalka Koofur Afrika ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilalka loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka koonfur Afrika.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker