Dagaalka Xamaas iyo Israa’iil ayaa maalintii saddexaad galay, sidan ayay arrimuhu u taaganyihiin;

Dhimashada ayaa kor u dhaaftay 1,100 labada dhinac , iyadoo in ka badan 100,000 oo ciidamada Israa’iil ah ay hadda isku urursanayaan xadka si ay ugu diyaar garoobaan weerar xagga dhulka ah.

•Waxaa jira ugu yaraan toddobo goobood oo ay militariga Israa’iil weli kula dagaallamayaan dagaalyahannada Falastiiniyiinta.

•Israa’iil waxay sheegtay inay xaqiijisatay gacan ku haynta saldhigga booliiska ee Sderot, balse dhowr meelood oo ku teedsan darbiga Qaza ayaa weli la gacanta ugu jira Xamaas.

•Duqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa lagu garaacay dhismayaal badan oo la deggan yahay oo ku yaal Qaza.

•73 askari oo Israel ah ayaa la xaqiijiyay in ay dileen dagaalyahanada Falastiiniyiinta, waxayna tani ka dhigtay iskahorimaadkii ugu dhimashada badnaa ee soo mara Israa’iil tan iyo dagaalkii labaad ee Lubnaan 2006.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker