“Meydka Walaalkay Na Siiya, Ama Naga Iibiya, Adeeerkay Oo Meyd Ahna Wuu Noo Yaallaa…”

Fannaanadda Mss Xiis ayaa sheegtay, in ciidanka Deegaanka Soomaalidu ay la baxeen (kaxaysteen oo meel ay la tageen aan la garanayn), isaga oo dhaawac ah oo dhowaan ay xabbad ku dhufteen ciidanku.

Wiilka ayay sheegtay in uu ku jiray xaalad adag oo xataa kaadida sariirta lagaga qaadayay, haddana iyadoo ay sidaa tahay ay ciidanku qaateen.

Fanaanadda ayaa qoraal ay hadda ku baahisay barteeda Facebook ku tidhi sidan: “Walaalkay ayaa mar labaad lala baxay, iyadoo shalayna aad xabbad ku dhufateen oo sakaraada oo kaadida laga qaado oo aan socon karin.”

Mss Xiis ayaa intaa raacisay: “Walaalkay noo dila oo meydkiisa uun na siiya aanu aasannee, bes, waa intaa uun. Dulmi ka badan ood nagu samayn lahaydeen ma jiro.”

Fannaanaddu waxa ay xustay in adeerkeed oo meyd ahna uu u yaallo, waxaanay tidhi: “Adeerkay oo meyd ahna wuu noo yaallaa, tol naga kiin celiyana ma lihin. Illaahay tolow muu hadlo, oo uu ka hadlo dulmigan.”

Fannaanadda Mss Xiis waxa ay ka codsatay maamulka DDS, in meydka walaalkeed lagu soo wareejiyo, amaba laga iibiyo si ay u aastaan, waxaanay tidhi: “Koley waad disheen e meydkiisa nasiya ama naga iibiya. Waan ku qasbanahay medka walaalkay inaan iibsano waanan ogahay inaad dileysaan. Awoodda Ilaahay ayaan sugaynaa.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker