In ka badan 200 oo maxbuus oo ka baxsaday xabsi ku yaalla Pakistan kaddib dhul-gariir halkaas ka dhacay

In ka badan 200 oo maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada ugu weyn Pakistan kaddib dhul gariir saacadihii hore ee Talaadada maanta ah ka dhacay halkaas, sida ay booliisku sheegeen.

Kumanaan maxaabiis ah ayaa jabiyay albaabada iyo qufullada qolkooda iyo daaqadaha ka dib markii ay dareemeen gariir gilgilay darbiyada xabsiga Malir ee Karachi.

Dadka xabsiga ka baxsaday, ayaa boolisku sheegay in 80 maxbuus dib loo soo qabtay, waxaana weli socda baadigoobka in ka badan 130 qof. Hal maxbuus ayaa ku dhintay howlgalka, waxaana ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan ciidanka Asluubta.

Kormeeraha xabsiga ayaa BBC-da u sheegay in maxaabiistu ay saqdii dhexe ee xalay ka bilaabeen qolalka ay ku jiraan iyo xeryahooda iyagoo ka cabsanaya in dhismaha uu ku soo dumo.

Ka dib markii uu jahawareerka isu bedelay gacan ka hadal, boolisku waxa ay sheegeen in ay kaga jawaabeen rasaas digniin ah, iyaga oo rasaas cirka u ridayay.

Iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay ku soo noqdeen qolalkoodii, qaar kalena waxay soo weerareen albaabka weyn iyaga oo argagaxsan – taas sababtay in 216 maxbuus ay fursad u heleen inay gabi ahaanba ka baxsadaan xabsiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker